Kawiilka Qaramada Midoobay Ahmedou Ould Abdallah oo jawaab kulul u celiyay Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi.

Ahmedou

Ahmedou Ould

 Halkaan ka akhri

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa iska diiday eedeyn uu u soo jeediyay Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi, taasi oo ahayd in Hay’adaha UN-ka qaarkood ay Buun-Buuniyaan Arimaha dalka Soomaaliya, isla markaana ay sheegaan warar aan jirin.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Dagaallada Muqdisho ee u dhaxeeya Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee sheegta iney taageerayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda ay bara kiciyeen dad tiradooda gaareyso 600,000 (Lix boqol kun oo qofood) dadkaas shacabka ah oo ay ku kalifeen in ay guryahooda ka cararaan.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah ayaa sheegay in uu rumeynayo wararka ay u soo gudbiyaan hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Hey’adaha gargaarka ee Xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa Dowladda geysteen gabood fallo iyo madaafiic ay ku garaaceen xaafado ay deganaayeen dad shacab ah.

“Waxaan rumeysanahay waxa ay Ururrada ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadannimada ay ii soo gudbiyaan, kuwaasi oo ay warbixinnadooda xaqiiqo yihiin, “ayuu yiri Ahmedou Ould Abdallah.

“Cid walboo Shacabka Soomaaliyeed dhibaata u geysatay waa la xisaabin doonaa maalinteeda, cidii ay kusoo baxaan dambiyana iyadaa madaxa saaran doonta, “ayuu yiri Ahmedou Ould.

Hadalkan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa wuxuu jawaab u yahay eedeyn uu Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi uu u jeediyay Hay’adaha Qaramada Midoobay, iyo isagoo iska gogeeyay in ay ciidamadiisa wax dambi ah ka geysteen Shacabka, isagoo sheegay in Hey’adahaasi ay dhibaato abuurayaan oo markaasina aysan ka run sheegeynin xaaladaha ka jira Soomaaliya, isagoo si gaar ahna u soo qaatay tirada Dadka ah ee ay Hay’adaha UN-ka sheegaan in ay ka barakaceen Magaalada Muqdisho, kuna tilmaamay been abuur.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: