Golaha Ammaanka ee QM oo baaq u soo jeediyey dowladdaFkmg ah, in ay la xaajooto Mucaaradkeeda.

un1.jpg

Golaha Amaanka

 Halkaan ka akhri

Golaha amaanka ee QM ayaa ugu baaqay in wada xaajood ay la sameeyso dhamaan dhinacyada imminka ku leh saameynta xagga siyaasada Somaaliya, kana dagaalamaya gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka talyaaniga Masiimo Daleemo oo dalkiisu uu imminka madax ka yahay golaha amaanka oo warmurtiyeedkaas ka hor aqriyay golaha, ayaa sheegay in loo baahanyahay in dhamaan dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya ay joojiyaan dirirta, isla markaana ay dib u heshiisiin ka sameeyan xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay ra’isil wasaaraha cusub ee dowlada kmg ah Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” inuu ka shaqeeyo dib u heshiisiin dhexmarta dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda.

SomaliSwiss New York

somaliswiss@hotmai.com

%d bloggers like this: