Xilkasnimo ku dayasho leh ee ay muujiyeen dhallinyaro ku nool wadamada Qurbaha.

deeq_qurbajooga_5.jpg

Xoolo Sadaqo ah

 Halkaan ka akhri

Waxaa maanta dadka ka barakacay dagaallada ka taagan Magalada Muqdisho ee ku sugan Qeybo ka mid ah gobolka shabeelada Hoose soo gaarey deeqo kala duwan oo ay soo direen Soomaalida ku dhaqan Qurbaha, iyadoo deeqahaasna lagu soo beegay munaasabada ciiddul adxaa.

deeq_qurbajooga_7.jpg

Deeqdaan ayaa loo soo wakiishay markaska dacwada islaamka waxaana iska soo uruuriyey dhalinyaro Soomaaliyeed isku xilqaamay iney wixii karaankooda ah u qabtaan dadka cadowgu guryohoodii ka soo qaxiyey ee ku sugan duleedka Muqdisho.

deeq_qurbajooga_1.jpg

Dadkii maanta deeqdaan lagaarsiiyay ayaa soo dhaweeyay, waxayna u mahad celiyeen dadkii soo dhiibay islamarkaana jaaliyadaha kale ay ugu baaqeen in ay ku daydaan walaalahood ku sugan dalka dibadiisa waxa ay u qabteen dadkooda dhibaateysan, si loogu soo gurmado dadka uu cadowgu dhibaateeyey ee danyarta ah.

deeq_qurbajooga_6.jpgdeeq_qurbajooga_5.jpg

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: