Warsaxaafadeed uu soo saaray Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Meles Zanaawi.

hawiye3.jpg

Golaha Dhaqanka Hawiye

Halkaan ka akhri

War ka soo galabta Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, oo uu Guddoomiyaha u ah Mudane  Maxamed Xasan Xaad ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu bixiyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaasi oo ahaa in uusan haatan Ciidamadiisa kala baxeynin Soomaaliya.
 
Mudane C/risaaq Sheikh Maxamed oo  Saxaafadda u aqriyay warsaxaafadeed uu golaha soo saaray ayaa lagu sheegay in hadalka Meles Zenawi uu yahay mid uu ku caddeynayo sida ay Itoobiya u dooneyso in ay mar kale xasuuq u geysato inta ka hartay shacabka soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay horay dileen dad tiradooda gaareyso 1, 500 oo qof, sidoo kalena ay guryahooda ka barakiciyeen dad kale oo tiradooda gaareyso 1.5 Milyan (Hal Milyan iyo Bar Ruux), kuwaasi oo uu goluhu sheegay in ay haatan ku nool yihiin meelo kala duwan oo dalka Soomaaliya ka mid ah, iyadoo guryahoodiina ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya.

Golaha Beelaha Hawiye wuxuu ugu baaqay Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha in ay il gaar ah ku hayaan dhibaatooyinka ay Ciidamada Itoobiya ka geysanayaan Dalka Soomaaliya, isla markaana ay diiwaan geliyaan.

Sidoo kale, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye wuxuu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in uu soo dhaweynayo hadal uu dhawaan sii daayay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, kaasi oo sheegay in xaalada Soomaaliya oo ka sii dareysa ay tahay in deg deg wax looga qabto, isagoo weliba carrabka ku dhuftay in Dowladda Sacuudiga oo kale ay door ku yeelan karto wada hadallo lagu heshiisiinayo dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Baaqa Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye u saxiixay Guddoomiyaha Golaha Mudane Maxamed Xasan Xaad.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: