Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia oo UN-ka ku eedeeyay in ay buun-buununayaan Xaaladaha ka jira wadanka Soomaaliya.

Meles Zenawi

Meles Zenawi

 Halkaan ka akhri

Meles Zenawi ayaa ku eedeeyay Q.M in ay ka bad badinayso xaaladda ka sii daraysa ee Soomaaliya wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah Hay’adaha Q.M ee ka shaqeeya Soomaaliya ay sabab u yihiin mashaakilka ka aloosan Soomaaliya.

Meles Zenawi ayaa beeniyay xilli uu waraysi siinayay idaacadda BBC-da waxyaabaha ay sheegtay Hay’ad ka tirsan kuwa Q.M oo sheegtay in ay soomaaliya ka jirto musiibo Bani-Aadaminimo tii ugu darnayd ee soo marta Qaaradda Afrika taas oo ay sabab u ah faragalinta ciidamada gumaysiga Ethiopia, wuxuuna ku tilmaamay in bayaankan oo kale uu yahay mid la buun-buuniyay.

Sidoo kale meles aya ku tuhmay hay’adaha Q.M in aysan xaqiijin wax yaabaha ay sheegayaan oo bayaanno iyo macluumaad ah kuwaas oo ku saabsan Soomaaliya wuxuuna ku sifeeyay mawqifka Q.M ee Soomaliaya in uu yahay mid aan wax dhisayn isaga oo ka dalbaday in UN ku ay ka ciyaarto dawr wax ku ool ah dalka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Zenawi ayaa sidoo kale gaashaan ka u daruuray oo uu xaqiray in ciidamadiisa gumeysiga in ay dadka shacabka ah la beegsadaan rasaas ayaga oo aan waxba kala soocayn.

Sidoo kale Zinawi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay yaraysteen awoodii Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya wuxuuna yiri “hadafka faragalinta Ethiopia ee Soomaaliya wuxuu ahaa ka hor istaaga Jihaadiyiinta in Soomaaliya dhamaanteed ay gacanta u gasho taasna way u suurta gashay ciidamada gumeysiga Ethiopia”.

Dhanka kale Meles ayaa sheegay in labixitaanka ciidamadiisa ee Soomaaliya ay qaadanayso waqti ka badan intii loogu talagalay sababta oo ah soo dibdhaca ay soo daaheen cidamadii Midowga Afrika, ayuu yiri.

Waraysigan uu Meles Zenawi siiyay BBC ayaa dhamaantii wuxuu xanbaarsan yahay sidii horayba caadada ugu ahayd beeninta xaqiiqooyinka ka dhacaya Soomaaliya taas oo uu isku dayayo in uu ka dado indhaha caalamka gaboodfallada iyo gumaadka aargoosiga ku salaysan ee ciidamada gumaysigA Ethiopia ay sida joogtada ah uga fulinayaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waraysigan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli ciidamada gumaysiga ay la kulmayaan dharbaaxooyin xawli badan oo Xoogaga Muqaawamada ay ku ekeeyeen meelkasta oo ay dalka Soomaaliya kaga sugan yihiin ayada oo ay xoogaga muqaawamada hadda soo bandhigeen in ay bilaabayaan tabo cusub oo lagu xasuuqi doona ciidamada gumaysiga Ethiopia.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: