Qaramada Midoobay oo ku baaqay in la dadajiyo ciidamada nabad ilaalinta ee loo dirayo wadanka Somalia.

ban-ki-moon1.jpg

Qaramada Midoobay

 Halkaan ka akhri

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo fadhi ka yeeshay xaalada wadanka Somalia ayaa ku baaqay in la muujiyo taageero wayn oo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa lagu gaynayo wadanka Somalia ,iyagoo sidoo kale xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki Moon waydiistay in uu la yimaado qorshe ciidamo ka socda qaramada midoobay lagu geynayo Dalka Somalia.

Xoghayaha qaramada midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay bishii la soo dhaafay in xaalada Somalia ay ka sii darayso, iyadoo xitaa aysan suura gal ahayn in koox farsamo kuwaas oo qiimeeya xoogag ciidamo ah oo ka socda qaramada midoobay loo diro wadanka Somalia.

Saraakiisha qaramada midoobay ayaa sheegay in dagaalada dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ka barakaceen dadweyne gaaraya 600,000 kadib markii ay awooda dowlada KMG ah oo kaashaneysa gumeysiga Ethiopia kala wareegtay Maxkamadihii Islaamka horaantii sanadkaan.

Dowladda KMG ah ayaa wax badan ku booorisay qaramada midoobay in ciidamo nabad ilaalin ah loo soo diro Somalia.waxaana wadamada midoga Africa ay qorsheeyeen in 8,000 oo ciidamo ah oo ka socda dalalka Africa loo soo diro wadanka Somalia howlgalkaasi oo loogu magacdaray Amisom waxaana haatan Somalia jooga 1,600 oo ciidamo ah oo ka yimid wadanka Uganda.

Golaha amaanka oo war soo saaray maalinimadii shalay ee arbacada kadib wadahadalo ay ka yeesheen xaalada Somalia ayay sheegeen in la xoojiyo ciidamada nabad ilaalinta ee Somalia.

Waxaa sidoo kale ay bulshada caalamka ku booriyeen inay bixiyaan dhaaqaale, qalab iyo adeegyo kale oo si buuxda loogu daabulo ciidamada nabad ilaalinta ee la keenayo Somalia.

Golaha amaanka ayaa waxaa waydiistay xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki Moon in uu keeno qorshe haboon oo ciidamo ka socda qaramada midoobay loogu diri karo Somalia iyagoo sheegay in warbixin uu dib ugu soo celiyo ay ka sugayaan markaasi oo la doonayo in hormar la sameeyo sideeda bisha February.

Waxaa ugu dambayntii ay soo dhaweeyeen golaha ammaanka ee qaramada midoobay dadaalka uu sameeyay wakiilka qaramada midoobay ee Somalia Ahmedou Ould Abdallah kaaso dowladda sucuudiga ugu baaqay in ay door wanaagsan ay ka gasho nabadeynta Somalia.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: