Ogeysiis Dhammaan Jaaliyadaha Somaliyeed ee ku dhaqan Switzerland, waxaa la ogeysiinayaa.

 Booqo www.SomaliSwiss.net

m85

Somalida Switzerland

 Halkaan ka akhri

Ogeysiis Dhammaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Switzerland, waxaa la ogeysiinayaa.

Ummadda Soomaaliyeed oo ah mid Dalkoodii Burburay.
Dib unoqoshana aan Lahayn.
Dib u dhiskiisuna dhawayn.
Dunidoo idilna laga wada ogyahay
Dadkeedu yihiin Qaxooti Dhab ah.
Sanooyin badanna dacwad aan ka soo gudbinay.
Sharciga inagula maareeyey maahan mid Boogta ina damqaneysa Dawo u ah.

Sidaa Darteed waxaanu go´aansanay inaanu ku wajahno Soomaalinimo,**
Socod dheer Zürich ilaa iyo Bern Xiligaan oo qabowga ah annagoo ka nimid Somaliya oo Kuleyl ah.
In Degmooyinka iyo Xerooyinka la maraayo loo sharaxo dhibaatooyinka Somalida heysto.

Halgankaa dheer waxaa innagu wada kalifayo waa Dhibkaa Qof waliba oo soomaali ah yar iyo Weyn, Dummar iyo Rag ku raagay, meel walboo ay joogaan:

Dhalinyaradii oo ku barbaartay Xirfad laįan (Mustaqbal daro)
Aqoonyahanadii iyo Xirfadleydii oo ka lumay Khibradihii ay lahayeen
Guryihii yaraa oo keenay, Colaad ka dhexabuurantay, Reerkii Jaceylka ku wada noolaan jirey
Dhaqdhaqaaq Xurnimo Laįan, kalifey Horumar daro iyo Niyad jab
Walwal joogto ah oo qofkii uusan hubin nolol Mustaqbal leh
Culeys adag oo ka ka jira Dhinac Waliba, kalifayna Burbur iyo Halaag wada saleeyey Maatadii lala soo qaxay.

Codsigeena Waxaanu ku soo koobeynaa:

Qaxootiga Soomaaliyeed ee Cusub markii Somalinimadiisa la hubsado in loo Aqoonsadaa Qaxooti dhab.
Qaxootiga Somaliyeed ee Muddooyinkanba lagu dhaqayey Xeerka F in si deg deg ah loo tixgeliyo Habka uu caalamaka ka qabo Dad Dhulkoodii iyo Qarankoodii burburay.
Kaalmo Waxbarasho oo Degdeg ah iyo Wadashaqayn ku saleysan Horumarin.

OLOLAHA SOCODKAA DHEER

20.12.2007 – 04.01.2008
Maalin waliba waxaa la soconayaa 3 ilaa 4 Saacadood.

Soomaalida iyo Gemeindaha aanu Tagno ayaa ina Martigelinaayo inana sii sagootinaayo.

Magaalo waliba oo aan tagno waxaanu Booqaneynaa Somalida ku nool, iyadoo weliba aan la kulmeyno Gemeindeyaasha Xukumo si aan oogu sharaxno dhibaatooyinka Soomalida heysta.

Tuulooyinka Qaarkood Tareen ama Bus ayaanu ku qasbanahay
Dadkii shaqo leh ama Howlkale ee jecelna in ay mararka Qaarkood inala lugeeyaan, rabana iney Xaafadahoodii u hoydaan waa sahal, weyna ina dhiiri gelineey. Meelaha aan Mareeyno hoos ka fiiri
Socodkani Degmooyinka iyo Tuulooyinka lagu maraayo wuxuu dhiiri Gelin u yahay Shacabkeena kala Burburay. Sidaa darteed Fadlan isku day inaad Qeyb ja qaadato.

Horay u soo Qaado Dhar Culus, Kabah Qaboobaha iyo kuwo Sportiga, Dalad Xiliga roobka
Fadlan Boorsada aad soo Qaadaneyso ha ahaato tii Dhabarka, Culayskeeduna yuusan badnaan.

Socodka wuxuu bilaabmayaa Ciida marki la tukado ka dib. 10.00 Waxaa leysugu imaanayaa Saacadda weyn ee La Garka /Bahnhofka Zürich
Dacwaddeena waxaan gudbin 11.00 Berninnaplatz. Zürich.
12.00 Waxaan ku caraabi Baden oo la tagi afarta Galabnimo.
Waa Geedisocod Caafimaad leh, hayeeshee Adag.

Ardayda Skuulaadka loo Xiro wey ka soo qaybgeli karaan hadduu waalidka u ogolaado, waxaana hubaal ah iney wax ka kororsandoonaan. Tixgelin gaar ahna la siin doono.

Mudaaharaadka Bern Jimca afarta janaayo.

4.1.2008 Saacadu waa kowga Duhurnimo 13.00 Hirschengraben Bern

Si aanu Dhibaatadaa guud ee Shaqsi walba ku habsaday u muujino Waqtiga aan dhowrno
Fadlan waa Muhiim inaan Somali badan Caruur iyo Waayeel, Dumar iyo Rag la helaa
Nus Saac qiyaas ah Halka la tagayo oo ah Wabern Dhamaadka Tram 9
Ogalaasha Mudaaharaadka waanu dalabnay waana ilaa shanta galabnimo
Gobalada kala duwan ee aan Waqti u helin Socodka Zürich-Bern. Waa kama danbeyntiiye ka soo toos.

Marriinkeenu waa

Taariikhda
Maalmaha
Laga baxayo
La tagayo
20.12.2007
Khamiis
12:00 Uhr Zürich Bahhof
Baden
21.12.2007
Jimco
09:00 Uhr Baden
Windisch
22.12.2007
Sabti
09:00 Uhr Windisch
Aarau
23.12.2007
Axad
09:00 Uhr Aarau
Olten
24.12.2007
Isniin
09:00 Uhr Olten
Solothurn
26.12.2007
Talado 2 Maalmood
10:00 Uhr Solothurn iyo nawaaxigeeda
Grenchen
27.12.2007
Khamiis
10:00 Uhr Grenchen
Biel
29.12.2007
Sabti3 Maalmood
10:00 Uhr Biel iyo nawaaxigeeda
Lyss
01.01.2008
Talaado
15:00 Uhr Lyss
Münchenbuchsee
02.01.2008
Arbaco
12:00 Uhr Münchenbuchsee
Bern
03.01.2008
Khamiis iyo Jimco
Bern
Bern
04.01.2008
Jimco
13:00 Hirschengraben Bern
Wabern / BFM halka uu ku dhamaado Tram 9.

Jimco 04.01.08 Saacaddu Markay tahay 13:00 h Hirschenraben Bern
Marwaliba waxaa kala Soo Xiriiri kartaa Telefanka hoos ku qoran, si aad u ogaatid halka uu Socodka Maraayo
I N F O L I N E: Tel. 0 7 9 2 9 1 2 9 4 4

ama

Email-ka SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: