Indha Cadde “Wey jiraan khaladaad yar, Waana ka qoomameynayaa qaladaadkii yaraa ee aan galay, ilaah baana cafis weydiisanaa”.

yusuf indha cade

Sh. Yus. Indha Cade

 Halkaan ka akhri

 HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA INDHA CADE

Sheikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ahaa Madaxii Ammaanka ee Golihii Maxkamadaha Islaamka ayaa qirtay qaladaadkii uu horay u galay, isagoona sheegay inuu ka qoomameynayo wax allaale iyo wixii uu isagu ku khaldamay.

Wareysi uu siiyay Idaacada VOA qeybta Afka Soomaaliga ayuu Indha Cadde sheegay in qaladaadka uu galay xilliyadii Maxkamadaha, isagoo sheegay in bani aadamka uu khalad gali karo ama khaldami karo, waana kaxumahay “ayuu yihi Indha Cade.

“Waan ka qoomameynayaa Qaladaadka aan galay, ilaahna cafis baan weydiisanaa, bani aadamkuna waa uu qaldamaa”ayuu yiri Indha Cade.

Dadka Soomaaliyeed qaar ayaa aaminsan in bur burkii deg dega ahaa ee ku yimid Maxkamadihii islaamiga inuu sabab u ahaa Indha Cadde “Kadib markii uu sheegay in Addis Ababa ay qabsan doonaan, taasoo keentay in Dagaalo todobaad socday in gumeysiga Ethiopia ku wiiqaan Awooda Golihii Maxaakimta ee gacanta ku hayay inta badan wadanka Soomaaliya.

Isagoo mar ka hadlayay Xaaladaha ka taagan Dalka ayaa waxa uu sheegay in Dalka uu gacanta u galay Gumeysi, sidaa darteed ay ku jiraan Shacbka Soomaaliyeed Halgan xoreyn ah oo ay dalka kaga saarayaan Cadaw soo jireen ah.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: