Advertisements

Muslamiinta Kanton Zürich ee dalka Switzerland oo si habsami leh maanta uga dabaaldegay Ciida Barakeysan ee Ciidul-Adxa.

ciida-zurich.jpg

 Munaasabadda Ciidul-Adxa

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta si Wanaagsan Looga Ciiday guud ahaan Dalka switzerland,gaar ahaan Magaalada Zürich ee ah Caasimada dhaqaalaha ee Switzerland.Hase Yeeshee Saakay markey ahayd Saacadda 9kii Aroornimo ayaa waxaa Kumanaan Dad Muslamiinta Ah ay isugu yimaadeen Hoolka weyn oo loogu tala galay inay ku wada ciidaan Muslamiinta Gobolka Zürich.

ciida-zurich1.jpg


Dadka  maanta ka soo qayb galay waxay isugu jireen. Rag, Haween iyo Caruur yar yar oo buux dhaafiyey Hoolkii loogu tala galay in lagu dhigo Munaasabadda Ciidul-Adxa, waxaana si khashuuc iyo Alle ka Cabsi leh loo tuktay Salaadii Ciida, ka dibna la dhagaystay Khudbadii loogu tala galay Munaasabaddaas . 

ciida-zurich2.jpg

Salaada ka dib waxaa Waalidiinta iyo Caruurtooda ay si wada jir ah uga qayb galeen farxadda iyo Reyn-reynta loogu tala galay Maanta, hase ahaatee caruurta iyo Waaladiintaba ay ka wada Cunteeyeen goobtaas, balse waxaa farxad gaar ah laga dareemayey  Caruurta, waayo waxay halkaas ka haleen qalabka caruurta ay ku caayaaraan . 

SomaliSwiss Kanton Zürich

somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: