Maxaad ka taqaanaa Heesta Calankeena Hooyo” Soomaaliyeey toosoo, Toosoo isku tiirsada oo, Hadba kiina taagdaran oo, Taageera waligiinee…

Somaliland

Soomaaliyeey Toosoo

 Halkaan ka akhri

Soomaaliya
الصومال
Somalia

Somali Republic

Flag of Somalia Coat of arms of Somalia
Flag Coat of arms

Location of Somalia

Soomaaliyeey toosoo

Toosoo isku tiirsada ee

Hadba kiina taag daranee

Taageera waligiinee.

 

Ummadyahay mar kale toosoo

Calankiina wada tiirshoo,

Danta guud ku taagsada oo

Isu wada tanaasula eey.

 

Somaliyaay toosoo

Toosoo isku tiirsada ee

Hadba kiina taag daranee

Taageera waligiinee.

 

Tawaabkoo qudhaa bixiyoo

Gobannimada taam ka dhigee,

Rabbi toobad weyddiistoo

Talo saarta Weynaha eey.

 

Somaliyaay toosoo

Toosoo isku tiirsada ee

Hadba kiina taag daranee

Taageera waligiinee.

 

Qabiilkaad ku tookhdaan baa

Qawmiyaddaada kaa tira oo,

Tayo li’ida qoys-qoyskaa

Idin bada tabaalaha eey.

 

Somaliyaay toosoo

Toosoo isku tiirsada ee

Hadba kiina taag daranee

Taageera waligiinee.

 

Inuu Naar ku taro mooyee

Dagaal ehel ma taabaggalee,

Shacabkaa in loo turo oo

La tabantaabsho kaa mudaneey!

Somaliyaay toosoo

Toosoo isku tiirsada ee

Hadba kiina taag daranee

Taageera waligiinee.

 

Curaddadaada taargo’ayaa

Tiiraanyo qaran weeyee,

Walaalkiis kan tooganayow

Adays jaray tagoogaha eey.

 

Somaliyaay toosoo

Toosoo isku tiirsada ee

Hadba kiina taag daranee

Taageera waligiinee.

 

Quruun teeda hanan weydaa

Tiqo kuma leh dunideenee,

Adduunyada ka tamin qaadtoo

Assaagiina tiigsada eey.

Walaalayaal hadii ay wax ka qaldan yihiin waad nasoo sixi kartaan

Qore Yusuf Garabey

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: