Mas´uuliyiintii hoggaanka Xisbiga Qaran ee Somaliland oo xabsiga laga sii daayay xalay saqdii dhexe.

Xisbiga Qaran

Xis. Qaran Somaliland 

 Halkaan ka akhri

Hoggaankii sare ee Urur-siyaasadeedka Qaran, ayaa saaka waaberigii soo gaadhay Magaalada Hargeysa, ka dib markii xalay saqdii dhexe laga soo daayay Xabsiga Mandheera, halkaas oo ay muddo 4 bilood iyo 20 habeen ah ay ku xirnaayeen xabsi.

Mas’uuliyiintaas oo ku xirnaa Xabsiga Mandheere ee ku yaala inta u dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee ay ku xirnaayeen muddada 4-ta bilood ayaa xalay laga sii daayay iyadoo xubnaha la sii daayayna ay kala yihiin Guddoomiyaha ururka Qaran Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Guddoomiyaha xisbigaas, Guddoomiye ku-xigeenka Jamaal Maxamed Caydiid iyo Inj.Maxamed Xaashi Cilmi.

Guddoomiyaha Ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gabbose iyo labadiisa ku-xigeen Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa soo dayntoodu waxay ka dambaysay ka dib markii ay koox Salaadiin ahi waan-waan kala gashay Madaxweyne Rayaale soo daynta siyaasiyiintan, Kuwaas oo uu xalay fiidkii Madaxweynuhu amray in la soo daayo.

Haddaba soo dayntooda ka dib ayay maanta Shir jaraa’id ku qabteen Xafiiskooda Magaalada Hargeysa, Halkaas oo ay kaga warameen, Xarigooda, iyo Mawqifkooda Siyaasadeed, tallaabada xigta ee ay qaadayaan iyo arrimo kale.

Hase ahaatee su’aalo la waydiiyay ka hor waxay halkaa ka akhriyeen qoraal ay ugu mahad naqayaan ciddii gacanta ku lahayd sii dayntooda amaba u dhaqdhaqaaqday sii dayntoodii, Qoraalkaas ayaa waxa uu u qornaa sidan.

“Waxaanu halkan uga mahad naqaynaa dhammaan dadka reer Somaliland ee Xaqa taageeray, Iyada oo ay badan yihiin dadka aanu Maskaxda ku haynaa ee aanu u mahad naqaynaa, haddana waxaanu si gaar ah ugu mahad naqaynaa haddii aan soo koobno, Ururka Gar yaqaanada Somaliland (SOLLA), Dalladda Xuquuqal-Insaanka ee SHURO NET, hadda maaha tan inqilaabka ku qabsatay, ee SHURO NET-kii hore ee aynu garanayno ee u doodayay 700 ee qof ee ku jira Xabsiga Mandheera ee ay inta badan Xukuntay Maxkamaddan la yidhaahdo Maxkamadda deg-degga ah.

SomaliSwiss Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: