Golaha Samafalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed oo dad Naafa ah guddoonsiyey Gawaarida Curyaamiinta ay ku socdaan iyo qalab kale.

samafal_curyaaniinta_3.jpg

Dadka Curyaamiinta

 Halkaan ka akhri

Golaha Samafalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed oo dad Naafa ah guddoonsiyey Gawaarida Curyaamiinta ay ku socdaan iyo qalab kale.

Waxaa shalay hay’adda Samafalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee ka howl gasha guud ahaan dalka Soomaaliya, kana shaqeeysa arimaha bulshadda sida samafaladda loogu gargaaraayo dadka Soomaalyeed ee ay dhibaatadda iyo dagaaladda sokeeye ku soo noqnoqdeen ilaa iyo haatana aanan wax xal ah loo helin.

samafal_curyaaniinta_6.jpg

Waxaa maanta la gaarsiisay xarunta ay maamusho Hay’adda wadaniga ah ee Al Manhal oo ay ku jiraan dad Naafo ah oo gaaraya in ka badan 32 ruux oo ah dadkii ku curyaamay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya iyo kuwo kale oo qaba cuduro dabiici ah 32 gaari oo ah kuwa ay isticmaalaan dadka curyaamiinta ah ayaa lagaarsiiyay dadkaasi, kuwaasi oo ahaa kuwo aad iyo aad u ildaran una baahnaa in loo gar-gaaro.

samafal_curyaaniinta_3.jpg

Madaxa mashaariicda ee golaha samafalka iyo horumarunta Soomaaliyeed Mudane Muqtaar Axmed sheikh ayaa sheegay in deeqdaani ay tahay mid loogu tala galay ayna soo dhiibeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark taas oo uu sheegay in ay ugu tala galeen in loogu gargaaro dadka aadka u tabarta daran una baahan in loo gargaaro, waxaana uu intaasi ku daray in deeqdani ay wax weyn u tari doonto dadka curyaamiinta ah ee wax yeeladda ka soo gaartay dagaaladda sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya.

samafal_curyaaniinta_4.jpg

Mudane Muqtaar wuxuu intaasi ku daray in golaha samafalka Soomaaliyeed loo abuuray sidii ay ugu gargaari lahaayeen dadka taagta daran ee u baahan in la gargaaro waxaana uu ka codsaday shacbiga Soomaaliyeed maal kasta oo ay joogaan in ay u gargaaraan walaalahoodda Soomaaliyeed ee liita.

SomaliSwiss Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: