Garoonka weyn ee diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho oo xalay weerarkii ugu xooganaa lagu qaaday.

Airport

Adan-Cade Airbort

 Halkaan ka akhri

Kooxo hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe weerarkii ugu xooganaa ku qaaday gegida diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho halkaasi oo ay ku sugan yihin Ciidamada Amisom ee Ugandha oo xalay dagaal aad u qaraar uu qabsaday.

ciidamada-yugandha-5.jpg

Weerarkii xalay ayaa la sheegayaa in kooxo hubeysan ay ku qaadeen garoonka weyn ee Aadan Cade Airbort ee Muqdisho wixii ka danbeeyay 1:00-dii saqdii dhexe, iyadoona ay dagaaladii ugu adkaaa la galeen Ciidamada Uganda ee ku sugnaa halkaasi.

Waxaa daryanka madaafiicda iyo hubka noocyadiisa kala duwan laga maqlayay dhamaan xaafadaha ku hareereysan garoonka weyn, waxaana uu ahaa weerarkaas marki ugu horeysay ee Ciidamada Ugandha ay galeen dagaal aad u adag.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay in ay xalay gudaha u galeen garoonka inkastoo aan la heynin fah faahin buuxda oo ku adan wixii iyaga iyo Ugaandheska kala qabsaday maadaama xilli danbe ay aheyd.

Ciidamada Uganda ayaa xalay ila 4:00 Tobankii saac waxa ay ridayeen rasaas kala duwan markii ay halkaasi ay ka baxeen Kooxihii weerarka ku qaaday, mana la sheegi karo khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi kasoo gaaray.

Weerarkaasi ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli mudo kahor uu u hanjabay Hogaamiyaha Al-Shabaab  Sheikh Aadan Xaashi Cayrow in ay weeraro ku qaadi doonaan Ciidamada Ugandeeska iyo goobaha ay joogaan sida ay u weeraraan kuwa gumeysiga Ethiopia si lamid ah.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: