Ergayga gaarka ah ee QM Arrimaha Soomaaliya oo shaaciyay inuu ku howlan yahay diyaarinta kulan lagu wada-hadalsiinayo dowladda KMG iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

ahmedou_ould_abdallah-1.jpg

Ergayga QM

 Halkaan ka akhri

War aanu saaka ka helnay Wakiilkeena SoomaliSwiss ayaa sheegaya in Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Mudane Axmedu Walad C/llaahi, uu caalamka ugu baaqay in ay si deg deg ah Ciidamo Nabad ilaalineed ugu soo diraan Soomaaliya xili ay sii kordhayaan dhibaatooyinka ka jiro Caasimada Soomaliya ee Muqdisho.

Axmedu Weldu Abdalla oo Weriyaasha kula hadlay magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin amaan daro oo horseedi karo in dalku uu naqdo meel baahala galeen ah.

Sidoo kale Mudane Ahmadu Walad, wuxuu dowladda KMG uga baaqay inay si aad ah u midoobaan, isla markaana la hadlaan Kooxaha ka soo horjeeda.

Axmedu Walad C/llaahi, oo waraysi siiyey Warbaahinta, kadib, markii uu xalay Warbixin guud siinayey xubnaha Golaha Amaanka ee QM, oo kulan gaar ah ka yeeshay Xaalladihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia.

Balse Ergaygu wuxuu si gaar ah wareysi uu siiyey Idaacadda BBC-da London, wuxuu dhowr jeer ku cel-ceiyey baaq uu u soo jeediyey Dowladda inay dadaal Siyaasadeed muujiyaan, isla markaana ay aad u midoobaan, lana hadlaan Mucaaradkooda, sidoo kale, QM, waa inay Joogitaan Ammaanka iyo Nabadda ku yeelataa Somalia.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Axmedu Walad C/llaahi, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay inay DKMG xoojiso dadaalka ay kula xaajoonayaan Kooxaha Mucaaradka, si loo dhiso Dowlad Midnimo Qaran.

Sidoo kale, Ergayga, waxa uu Qaddiyadda Wada-xaajoodka D KMG iyo Kooxaha Mucaaradka ku soo bandhigay Warbixin uu xalay siiyey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, wuxuuna tilmaamay inu shaqsi ahaan ugu hawlan yahay sidii loo diyaarin lahaa Kulan Heer Sare ah oo dhexe marayo DKMG iyo Kooxaha Mucaaraadka, laguna qaban doono dal ku dhow Somalia oo uusan carabaabin.

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu carrabka ku dhuftay inay Kulankaasi ka soo qeyb geli doonaan Hoggamiyayaal Siyaasadeed, xubno ka tirsan Ganacsatadda iyo Soomaalida Qurbo-joogga ah. “Waxaan rumeysnahay haddii dadka Soomaalida iskooda u wada hadlaan,, inay diyaar u yihiin inay ku biiraan Dowladda iyo inay dadaal u galaan sidii uu dalkooda dib cagihiisa isugu taagi lahaa dhowrka bilood ee soo socda” ayuu yiri Axmedu Walad Cabdullaahi.

Dhinaca kale, Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Dalka Somalia, waxa uu ku booriyey Dowladda Sacuudiga inay door hormoodnimo ka qaadato sidii Nabad loogu soo dabaaali laahaa dalka Somalia.

Ergayga,waaxa uu sheegay in Boqorka dalka Sacuudiga, ahna Khaadumka Labada Xaramayn ee Shariifka, Boqor Cabdalla Bin C/casiis iy Dowladaha deriska ee ay joogaan Qaxootiga ugu badan ee Soomaalida in lagu casuumo sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen arrimaha dalka Somalia ayuu Ergayga u sheegay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, wuxuuna intaasi ku daray inay suurtogal tahay in taageeradda labo Dowladooda oo xubno ka ah Isbahaysiga NATO ay ku soo biiraan.

Ergayga, ayaa kulankaasi kadib u sheegay Suxufiyiint inuusan weli Dowladda Sacuudiga kala hadlin inay Ciiddamo u soo diraan dalka Somalia, laakiin, waxa uu tilmaamay inay moraal u hayaan arrintaasi.

Mar wax laga weydiiyey Dowladaha laga yaabo inay ciiddamo u soo diraan dalka Somalia, waxa uu sheegay inay ka kala imaan doonaan dalal Afrikaan ah ama Dalal ku yaalla Koonfurta Qaaradda Asia ama ilaa labo dal oo ka tirsan Isbahaysiga NATO, wuxuuna Ergayga xusay inay suurtogal tahay inay dalalka Indonesia, Urdun iyo Pakistan Ciiddamo u soo diraan dalka Somalia.

SomaliSwiss Nairobi

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: