Dagaal caawa mar kale ka soconaya Xaafadda Geed Jaceyl illaa iyo Suuqa Bakaaraha, ee magaalad Muqdisho.

dagaal muqdisho

Dagaal Muqdisho

 Halkaan ka akhri

Iska horimaad ayaa hadda waxa uu ka soconayaa Xaafada Geed Jeceyl ilaa iyo Suuqa Bakaarha, kaasoo la isku adeegsanayo qoryaha fudud iyo kuwa waaweynba.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka soconayaa xaafada Geed Jeceyl ee degmada Wardhiigley ilaa iyo Suuqa Bakaaraha iyo wadooyinka ku teedsan Xaafada Geed Jeceyl, waxaana dagaalkan uu u dhaxeeyaa Ciidamo ka tirsan Golahii Maxaakimta Islamaaiga iyo taageera yaashooda iyo Ciidamada Dowladda KMG ee lashaqeeya gumeysiga.

Lama oga khasaaraha uu keenay dagaalkan oo weli ka soconaya goooba haasi sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho.

Dad lagu kalsoonyahay ayaa sheegeen in ay arkeen Askar wadooyinka daadsanaa kuwaasoo ay sheegeen in ay ahaayeen kuwa ka mid ah askarta Ciidanka Dowladda KMG ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia, walow ay ka gaab sadeen inay si cad u sheegaan khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray labada dhinac ee uu dagaalku dhex maray.

Dagaalka caawa ka soconaya Xaafada Geed Jeceyl ilaa iyo Suuqa Bakaaraha ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili maalinta berito ah loo balansan yahay Tukashada Salaada Ciidu adxaa, islamarkaana Magaalada qaybo badan ay ka maqanyihiin dadkii deganaa, kuwaasoo laga barakiciyay xaafadahooda.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: