Advertisements

Sheikh Cabdiraxiin cali Muudey: “Halganka Maxkamadaha ee dalka Soomaaliya weli wey socon doonaan ?

muudey1.jpg

Sh. C/Raxiin Cali Muudeey

Halkaan ka akhri

Shiikh C/raxiin Cali Muudeey oo ahaa Xoghaya Warfaafinta Maxkamadihii IslaamkaSoomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay muddo kadib wareysi uu siiyay Idaacadaha Muqdisho waxa uu kasheegay arrimo aad u fara badan oo ay kamid tahay in Golihi Maxaakimta ay weli sidooda u shaqeeyaan.

 Muudeey waxa uu sheegay in Maamulkii Golaha Maxaakimta uu weli sidiisa u dhisan yahay isla markaana isaga uu weli yahay Afhayeenkii, waxaana intaasi uu ku daray in weli uu socda maamul u sameynta Gobolada isaguna uu kusugan yahay Gobolka Banaadir.

Mar uu ka hadlayay isaga iminka halka uu ku sugan yahay ayaa waxaa uu sheekha sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho isla markaana uu ka qeyb qaadanayo dagaalka xoogan ee lagula jiro Maleeshiyada Dowlada Federalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.
 
Sidoo kale waxaa uu qiray in inta badan mas’uuliyiintii ugu sar sareysay ee Golaha Maxaakimta ay ku sugan yihiin gudaha dalka ayna ka go’an tahay sida uu hadalka u dhigay qaabkii ay dalka uga xureyn lahaayeen cadawga qabsaday.
 
Sidoo kale waxa uu sheegay in Gobolada Jubbooyinka ay Golaha Maxaakimta Maamulaan isla markaana aanu jirin weerarka lasheegayo in Kismaayo ay Golaha Maxaakiimta kusoo qaadi doonaan, wuxuuna sheegay in meel ay maamulkeeda hayaan aananba aheyn in ay soo weeraraan arrintaasina ay tahay mid aanan sal iyo raad jirin.

SomaliSwiss wakiilka Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: