Laba doonyood oo ay saarnaayeen Tahriibayaal Soomaali & Oromo oo lagu daadiyay Badda Xeebaha dalka Yeman.

tahr

Daawo Sawirada Xasuuqa

 Halkaan ka akhri

Hoos ka Daawo Sawirada oo badan

Shaqaalaha Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduuda Lahayn “MSF” ee ka hawlgala dalka Yeman ayaa shaacisay inay heleen maydad gaaraya in kabadan illaa 120-qof oo Soomaali ah oo ay badda soo caarisay kuwaasoo laga helay Xeebaha dalkaa Yeman.

Dad kamid ahaa dadkii Doontaasi saarnaa, ayaa sheegay inay dadkaasi geeriyoodeen, kadib, markii lagu daadiyay bada dhex bartamaheeda iyadoo loo adeegsaday Qoryo gacmeed iyo Budad waaween oo lagu garaacayay, sidaasina waxaa sameeyay ayeey yiraahdeen dadkii watay doonta ee awal soo raray.

tahr

Qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday doonidaasi, ayaa sheegay inay ku dhawaad 148-qof la socdeen doonidaasi, kuwaasi oo isugu jiray Soomaali iyo Oromo Ethiopian, iyadoo 40 ka mid ah dadkaasi ay ahaayeen haween, halka ay 5-kalena carruur ahaayeen.

Dadka ka samata-baxay Doonidaasi, ayaa sheegay inay Doontaasi saqdii dhexe ee xalay laga daadiyay dad badan markii loo soo dhowaa Xeebaha Yeman, kadib, markii ay dabeylo xooggan iyo mowjaddo-badeed ku kaceen.

Dhinaca kale, Qunsulka Somalia u fadhiya dalka Yeman, Xuseen Xaaji Axmed, ayaa soo weriyey inay Doon labaad oo ay la socdeen ku dhawaad 180-Tahriibayaal Soomaali ah ku degtay Xeebaha dalka Yeman.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa sii badanayo dadka Soomaalida ee naftooda ku biimeynayo Safar-baddeed khatartiisa xambaarsan, iyo weliba kuwa cadow ah ee marwalba dadka inteey soo raraan badda si xaasid nima ah ugu daadiya iyadoo ay inta badan dadka soo raacaan Doonyo ka soo shiraacda Xeebaha Goballadda W/bari ee ay Dowlad-gobaleedka Puntland maamusho.

Sannadkan oo keliya, waxaa la diiwaan-geliyey inay 30,000-oo Tahriibayaal Afrikaan ah oo u badnaa Somali iyo Ethiopian gaareen Xeebaha dalka Yeman, halka ay boqolaal kalena ku geeriyoodeen kuwaasoo badankood badda lagu daadiyay.

Sidoo kale wariye shalay lagu afduubay magaalada Boosaaso oo u dhashay dadka Faransiiska ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xarigiisa ama qafaalashadiisa ay kadambeyso kadib markii uu soo bandhigay Sawiro iyo qoraal uu ka sameeyay dadka Tahriiba yaasha ah iyo kuwa xasuuqa u geysta ee badda ku daadiya.

Wariyahan laga afduubtay magaalada Boosaaso ayaa si aad ah ugu kuur galay in uu ogaado sababaha ugu weyn ee ay dadkan Tahriiba yaasha ah ugu le´daan xeebaha dalka Yaman.

Balse ugu dambeyntii ayuu ugaaday wariyahan sababaha kadambeeya xasuuqa dadkan iyo sababaha keena dhimashadooda intaba.

Sawiro aad u fara badan oo uu kasoo qaaday dadkaasi badda lagu daadiyay ayaanu idiin soo uruurinay bal nala daawada.

SomaaliSwiss Yeman

Somaliswiss@hotmail.com

521

346789101112131415161718192021232425272826

Fadlan Fikradiina kusoo darsada yaa kamasuul ah Xasuuqan dadka masaakiinta ah, maxaase sidan loogu galayaa bani aadan nimo miyaa sidan????

%d bloggers like this: