Guddoomiyaha Golaha dhaqanka Hawiye oo Warqad u diray Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde iyo Beesha Caalamka.

xaad

MAXAMED XASAN XAAD

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha golaha dhaqanka Hawiye ayaa warqadii ugu horeysay ee baaqa u diray Ra´isulwasaaraha cusub ee federalka Nur Cadde iyo Beesha Caalamka isagoo labadaba ugu baaqay inay wax ka qabtaan xaaladaha xasuuqa iyo barakiicinta.

Warqadda Gudoomiye Xaad waxay u qorneed sidaan.

KU: Ra’isul Wasaaraha Dowlada KMG ah

OG: Beesha Caalamka

Ujeedo: Qayladhaan

Golaha Dhaqanka iyo midnimada Hawiye waxa uu Ra’isul wasaaraha Dowlada KMG ah ka dalbanayaan in xaalada maanta ka jirta dadka wax ka qabto. Waa inuu ka hadlaa xaalada gumaadka ah oo ay Ciidamada dowlada iyo kuwa gumeysiga itoobiya ku hayaan dadka iyo dalka islamarkaana waa inuu siidaayaa dadka sida sharcidara uga booxa xabsiyada dowlada KMG ah, islamarkaana hor istaagaa xaaladaas naxdinta leh ee ka jirta magaalada Muqdish.

Goluhu waxa uu xasuusinayaa Raisul Wasaaraha Dowlada KMG ah inaysan jirin Xaalad uu maanta ku soo dhiso xukuumad kale madaama dadka muwaadiniinta ah ee ku dhaqan Caasimada ay marayaan xaalad taangiyada Itoobiya ay haweenka somaaliyeed jiirayaan taas oo ah mid aan horay loo arag.

Golaha Dhaqanka iyo midnimada waxa uu cadaynayaa in wadooyinka magaalada Muqdisho ay u xiranyihiin ciidamada itoobiya iyo kuwa dowlada ,islamarkaana gaysanaya xadgudubyo baahsan oo ay ka mid yihiin dilka iyo dhaca hantiga shacanka dhibaataysan.

Waa inuu Ra’isul Wasaaraha ku dhaqaaqaa xaalada ka badalan xaalada uu hada wax ku wado waana inuu shacabka Somaaliyeed u sameeyaa dhiig joojin hadii uu doonaya inay shacabka taageeraan Xukuumadiisa.

Golaha Dhaqanka iyo midnimada Hawiye waxay ugu dambayntii ugu baaqayaan Ra’isul Wasaaraha Dowlada inuu si Cad wax uga qabtaa dhibaatooyinkaas ama uu iska casilaa Xilka uu sheeganayo maadaama uusan ka mid ahayn Ragii horay dalka u dumiyay.

SomaliSwiss Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: