Dagaal aad u culus oo saaka ka bilowday Xaafadda Huruwaay & Ex Ctrl Balcad iyo Fariisimaha Ciidamada Ethiopia ee Warshadii Baastada.

dagaal muqdisho

Dagaal Muqdisho

 Halkaan ka akhri

Dagaal aad u culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa goor dhoweyd ka bilowday Xaafadda Huruwaay & Ex Ctrl Balcad iyo fariisimaha Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay ku leeyihiin Warshadii Baastada.

Dagaalkan ayaa sida ay sheegeen dadka degaanka waxaa uu bilowday abaarihii 7:55 daqiiqo xilliga Magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen isla dadkaasi dagaalkan ayaa la isku adeegsaday labada dhinac hubka noocyadiisa kala duwan sida hubka loo yaqaan hoobiyaha.

Dagaalkan ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo xoogagga ka soo horjeeda gumeysiga iyo Dowladda daba dhilifka, sidoo kale dagaalkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya Ciidamada Dowladda ee u adeega gumeysiga.

Hugunka madaafiicda waa weyn ayaa aad looga maqlayaa Magaalada oo dhan, iyadoona Dagaalka uu daba joogo, Dagaalo xalay ilaa shalay ka dhacay goobaha iminka lagu dagaalamayo.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo saaka ka bilawday Inta badan goobihii maalmahan Dagaaladu ka dhaceen.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: