Advertisements

Weriye u dhashay dalka Faransiiska ayaa maanta lagu afduubay magaalada Boosaaso ee maamul Goboleedka Puntland.

AFP

Afduub Wariye

 Halkaan ka akhri

Weriye u dhashay dalka Faransiiska ayaa maanta lagu afduubay magaalada Boosaaso ee maamul Goboleedka Puntland.

Weriye u dhashay dalka Faransiiska oo u shaqeeya telefishin ku yaala wadankaasi ayaa maanta niman hubeysan ay ku afduubeen magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Is maamul goboleedka Puntland.

Ninkaasi suxufiga ah oo la sheegay in ay af duubeem maliishiyo hubeysan oo aan la garaneyn ayaa waxa uu warar ka qorayay dadka Soomaalida ah ee tahriibka uga baxa dekeda Boosaaso oo inta badan ku dhinta xeebaha dalka Yemen.

Weriyahaasi ajnabiga ah ayaa sida ay ku soo warameen wakaaladaha wararka ee AFP iyo Reuters, laga afduubay deegaanka la yiraahdo Mareero oo dhinaca bari ka xigta magaalada Boosaaso 70km, halkaasi oo dadka tahriiba ay isku aruursadaan.

Lama hayo wax faah faahin ah oo ku saabsan ujeedada loo af duubay weriyahaasi, balse mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay inay ka shirayaan arrintaasi.

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: