Advertisements

Wasiirka Arimaha Gudaha Gacma dheere oo sheegay in dadkii ka barakacay dagaalada Muqdisho aysan dib ugu soo laaban Karin Muqdisho.

dad-buushash.jpg

Siinka Dheere

 Halkaan ka akhri

Wasiirka Arimaha Gudaha Gacma dheere oo sheegay in dadkii ka barakacay dagaalada Muqdisho aysan dib ugu soo laaban Karin Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda KMG Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa sheegay in dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho aysan ku soo laabaneynin magaalada Muqdisho.

Gacmo dheere wuxuu sheegay in inta laga sifeynayo wax uu ku sheegay kooxaha afka duuban ee dhibaatada u geysanaya rayidka aysan magaalada Muqdisho dib ugu soo laabanaynin dadkii horey uga barakacay.

Waxa kale oo uu Gacmo dheere intaa raaciyay in xukuumadda cusub ee Ra’isal Wasaare Nuur Cadde dhisay marka Baarlamaanku ansixiyo ay si nabadgelyo leh ku imaan doonto magaalada Muqdisho, xilligaasi oo ay ku soo beegmi doonto buu yiri iyadoo nabad ah oo laga sifeeyay kooxo uu ku sheegay iney yihiin nabad diid.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: