Warsaxaafadeed ku wajahan Xasuuqa iyo Xadgudubyada ay geysanayaan Ciidamada Cadowga Ethiopia.

Isbaheysiga

I-D-U-X-S

 Halkaan ka akhri

Sida laga ogyahay soo geletaankii ciidamada itoobiya geyiga soomaaliya, waxaa la qorsheeynayey muddo dheer soo galitaankooda ka hor taasoo markii danbe la suura galiyay waxaa si wada jir ahna isaga gaashaan buursadey shirqoolkaa   dowlada maraykanka iyo taliska itoobiya.   

Shacbiga soomaaliyeed iyagoo ka dharagsanaa hagardaamaa ay u maleegeen cadowgooda ayay waxayna isu abaabuleen sidii ay uga hortagi lahaayeen una fashilin lahaayeen ujeedadaa uu cadowga ka lahaa dalka iyo dadka soomaaliyeed waxayna fashiliyeen dhamaan ujeedooyinka soo galitaanka ciidamada ittobiya. 

Balse cadowga markuu u babacdhigi waayay iska caabinta xoogaga muqaawamada isla markaana ku guuldareystay ujeeddooyinkiisa ayuu wuxuu u bilaabay mudadii ay ku sugnaayeen dalka  inuu bartilmaameedsado goobaha ay ku noolyihiin dadka  dadka rayidka ah kuna garaaco madaafiic iyo hubka cul-culus noocyadiisa kala duwan isla markaana qasaaro naf iyo maalba u geysto dad rayid ah oo ku sugan suuqyada iyo xaafadaha magaalada muqdisho taasoo meesha ka saaraysa axdiga caalamiga ee aan banayna in la weeraro dad rayid ah. 

Ciidamada itoobiya ee ku sugan gudaha soomaaliya qaar ahaan muqdisho waxay maalmihii la soo dhaafay weerar fulaynimo ah ku qaadeen goobo ay ku nool yihiin dad rayid ah sida suuqa bakaaraha iyo xaafadaha iya goo kaga jawaabayay qasaarooyin ay u geysteen xooga muqaawamad oo dagaal fool ka fool ah kala hortagay ciidamada gumaeysiga itoobiyo goobaha ay ka deganyihiin gudaha magaalada muqdisho.  

Haddaba ciidamada itobiya si ay u jahawareeriyaan rayul caamka isla markaana indhaha caalmka jeediyaan xasuuqa ay ka geysanayaan soomaaliya ee kuwii ugu danbeeyay lagu soo bandhigay shabakadaha caalamka waxay bilaabeen inay dhoodhoobaan been aan sal iyo raadba lahayn iyagoo waxaan laynay kooxo argagixso ah taasna waa wax xaqiiqa ka fog.

Waxaase la yaab leh aamusnaanta beesha caalamka ay ka aamusantahay xasuuqa ku socda shacabka soomaaliyeed maalin walba ayna u gaysanayaan ciidamada gumeysiga itoobiya, waxaana u sheegaynaa in shacabka soomaaliyeed isu dhiibi doonin cadowgiisa isla markaana iska difaaci doonaan mu‘aamaradkasta ee lasoo abaabula .

SomaliSwiss Wakiilka Asmara

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: