Ra´isal Wasaaraha Cusub Nuur Cade ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu xukuumad hor leh soo dhisayo mar kale.

Nuur Cade D

Nuur Cade

 Halkaan ka akhri

Ra´isal Wasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade ayaa maanta markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu is bedel ku sameynayo golihiisa wasiirada cusub ee dhawaan uu soo dhisay, ka dib markii ay shaqeyn waayeen iskana casileen xubo dhowr ah.

Warkan ayuu Nuur Cadde ka sheegay kulan dheer oo uu maanta kula qaatay magaalada Baydhabo xubnaha golihiisa wasiirada isaga tilmaamay hadal u eg inuu kala dirayo golihiisa wasiirada cusub ee iyagu maqaar saarka ah.

Nuur Xasan Xuseen ayaa ku nuux nuuxsaday in uu soo dhisayo xukuumad kale oo uu ku tilmaamay mid loo dhan yahay, kana kooban 18 wasiir oo loo kala qeybsanayo 4.5.

Nuur Cade ayaa sidoo kale sheegay in uu ka soo xuli doono xukuumad uu ku tilmaamay mid tayo leh dibada iyo gudaha Baarlamaanka si siman oo loo kala qaadanayo 50%.

Nuur Cadde ayaa sidoo kale sheegay in uu wada tashiyo badan ka soo sameeyay gudaha iyo dibedda Soomaaliya.isla markaana uu ku qanacsanyahay in uu dhiso xukuumad uu ku tilmaamay mid tayo leh.

Iyada oo ay u badan yihiin xukuumada Nuur cadde xubnihii hore ee xukuumaddii Cali Maxamed Geeddi ayaa waxa uu hindisihiisani ku soo beegmayaa iyada oo xukuumadiisa cusub ay ka soo horjeesteen xubno badan oo ka tirsan baarlamaanka,beelo, iyada oo qaar ka mid ah wasiiradda cusub.

Arintan ayaa ku noqonaysa Nuur Cadde fashilkii labaad ee la soo guboonaanaysa xukuumadiisa tan iyo xiligii la magacaabay.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: