Advertisements

Prof Lewis “Maxkamadihii Islaamiga waxay dhaliyeen nidaam iyo nabad aan cid dambe ka sameyn doonin Soomaaliya taariikhda soo socota”

Maxkamadaha

M-M-I-S

 Halkaan ka akhri

Professor Iaon M. Lewis oo macallin ka ah Jaamacadda London School of Economics and Political Science, isla markaana muddo ku dhow kontan sano wax ka qorayey taariikhda, dhaqanka iyo siyaasadda Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday inaysan Soomaaliya ka jirin wax la yiraahdo ‘dowlad sharci ah’. Professor Lewis wuxuu ka qayb galay dood ay qabanqaabisay BBC-da qeybteeda Africa la hadasha oo la yiraahdo ‘Have your say.’

“Ma jirto wax dowlad federal ah oo sharci ku dhisan. Dhismaha dowladda Cabdullaahi Yuusuf waxaa ku lug lahaa dad madax faluuq qaba oo Midowga Yurub ka tirsan iyo Mareykanka. Waxay la soo indha-caddaayeen ‘haa, waa inaan wax uun xal ah u helnaa Soomaaliya, waxaana haynaa dowladda Cabdullaahi Yuusuf’, waxayna doonayeen inay wax ku marinhabaabiyaan.”

Prof Lewis ayaa intaas ku sii daray, “Meesha waxaa ka jira hal nin, waana Cabdullaahi Yuusuf. Dowladda la sheegayo waa isaga, wax walba isaga ayaa isku ah, ma jirto dowlad shaqeynaysa.” Wuxuu tilmaamay in wanaag ka horreeyey iyo mid ka dambeyn doona uusan jirin Maxkamadaha Islaamiga.

“Muddo lix bilood ah ayaa waxay Maxkamadaha Islaamigu ku sameeyeen wax qofna uusan illaa iyo hadda ka sameynin Soomaaliya, kana sameyn karin, waxaana rabaa inaan qiro in wixii ay sameeyeen cid iyaga ka dambeysa oo sameyn doonta aysan jiri doonin.”

Mar laga dalbaday inuu gunta hoose ka soo billaabo sharraxaad ku saabsan sidii ay ku soo if-bexeen Maxkamadaha ayaa Lewis wuxuu yiri, “Hoos ayay markii hore iska soo abaabuleen, waxayna isla markiiba noqdeen dad firfircoon oo wax-qabad leh, maliishiyooyinkii ayayna isku ururiyeen.

Markii dambe qabqablayaashii dagaalka oo cid isku taagta la waayey, isla markaana uu Mareykanku taageerayey, ayay hubkooda ku jeediyeen, weyna ceyriyeen, waxayna ahayd runtii arrin cajiib ah oo la yaab leh. Haddaba, dadka keliya ee ku guuleystay inay Soomaaliya nabad iyo nidaam sax ah, oo sal adag, ku soo celiyaan waxay ahaayeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa.”

Si kasta ha noqotee, haddii ay xoogaa yar is dejin lahaayeen Maxkamadaha Islaamigu oo ay noqon lahaayeen waaqiciyiin mandaq ah, waxay sameyn lahaayeen, ayuu yiri, shaqo kale oo intaas ka badan oo cajiib ah.

Isagoo ka warramayey ciidanka Itoobiya ee ku soo duulay Soomaaliya, wuxuu xusay in Itoobiyaanka uu soo casuumay Cabdullaahi Yuusuf, sababta uu u casuumayna ay tahay inay isaga ka caawiyaan ibuu dalka qabsado. Hase ahaatee, Cabdirashiid Qoor (Seed) oo sheegtay inuu yahay ergayga Cabdullaahi Yuusuf oo ka jawaabayey hadalka Professor-ka ayaa yiri, “Waxaan nahay dowlad xor ah oo xaq u leh inay cid kasta ku casuunto dalkeeda, xitaa Israa’iil ayaan diyaar u nahay inaan ku casuunno.”

Prof Lewis oo hadalka sii wata, wuxuu yiri, “Itoobiya waa waddan client u ah Itoobiya, waxaana xukuma nin daba-dhilif u ah Mareykanka oo ay ku adeegtaan.

Mareykanka oo ka soo horjeeda Islaamiyiinta ayaa gacansiiyey Itoobiya, wuxuuna watay istaraatiijiyadda uu ugu yeero ‘war on terror.’ Argagixisada laguu sheegayo, marka la fiiriyo fekerka Mareykanka, waa Islaamka xagjirka ah, haddaba Maxkamadaha Islaamiga oo ahaa kuwo waxtar u leh Soomaalida oo ka adkaaday qabqablayaashii waxtar la’aanta ahaa ayaa Mareykanka iyo Itoobiya ay si wadajir ah uga welweleen, kaddibna ay ku soo duuleen.”

Wuxuu farta ku fiiqay in wax kasta ay sii xumeeyeen Itoobiyaanku, gaar ahaan ammaanka, nolosha iyo fursadihi lagu heli lahaa xasilooni. “Waxay sii kordhiyeen qalalaaso, waxaana ka xumahay su’aasha aan nafteenna weydiinayno ma ahan ‘imisa ayay Itoobiyaanku joogi doonaan meesha’ ee waa ‘imisa ayuu Cabdullaahi Yuusuf fadhin doonaa meesha isagoon qofna la xaajooneynin,’ waxaan qabaa inay tahay inuu la baxo Itoobiyaanka markey sii baxayaan.”

Prof Lewis, wuxuu Soomaaliya ka qoray ugu yaraan lix buug, waxaana buugaagtiisa ka mid ah: A Modern History of Somali; A Pastoral Democracy: A Study of Pastoralism and Politics Among the Northern Somali of the Horn of Africa; A Marriage and the Family in Northern Somaliland; Nationalist and Self-Determination in the Horn of Africa; Blood and Bone: The Call of Kinship in Somali Society; Peoples of the Horn of Africa: Somalia, Afar and Saho iyo kuwo kale. Wuxuu kaloo diyaariyey daraasado ka hadlaya nidaamka dowladeed ee Soomaaliya, daraasadahaas oo ay maalgeliyeen Midowga Yurub sannadihii 1994-95.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Email: Ingiriis@yahoo.com

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: