Advertisements

Eric Laroche:- dhibaata weyn ayaa kajirta magaalada Muqdisho, maalin ayaana lagula xisaabtami doonaa dadka ka dambeeya.

Eric Laroche in Somalia

Eric Laroche

 Halkaan ka akhri

 Hay’adaha Qaramada Midoobay ee gargaarka iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa si isku mid ah uga deyrinaya xaaladda dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed ee ay dagaalladu ku qabsadeen gudaha Soomaaliya, iyo boqollaalka kun ee ku barakacay dagaalladaasi.

Dhegayso warbixinta

Dhibaatooyinkan ayaa inta badan waxaa dusha laga saaraa dowladda KMG ah ee Soomaaliye iyo ciidamada Ethiopia ee Muqdisho kula dagaallamaya kooxaha ka soo horjeeda.

Isu duwaha hawlaha bani’aadannimo ee Soomaaliya, Eric Laroche, oo ay BBC-du waraysi la yeelatay ayaa ka warramay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaanna xaaladda magaalada Muqdisho.

Xaaladdu aad ayey u adag tahay waad ogtihiin waxa Muqdisho ka dhacaya waxay tusaale u tahay guud ahaan xaaladda Soomaaliya.

Xaaladda bani’aadannimo iyo xadgudubyada xagga bani’aadannimada laga gelayo waa kuwo si ula kac ah loo sameynayo.

Waxa ka dhacay suuqa Bakaaraha waa tusaale kale, dadku xitaa ma heli karaan waxyaabaha asaasiga ah ee xagga bani’aadannimada ay u baahan yihiin ilaa heerka xitaa baahidooda suuqa ah, waadna ogtihiin in uu dagaal xooggani ka dhacay suuqa Bakaaraha.

Dadku waxay ku nool yihiin halgan ay nolosha kula jiraan, dadku wey barakeceen, dad kalena waxay isku dayayaan in ay ka cararaan guryahooda welina wey ka cararayaan dagaallada, waadna arki kartaa xitaa hadda iyagoo Muqdisho ka sii cararaya.

Waxa Muqdisho ka cararaya oo dhammaantood noqonaya dad dalkoodu gudihiisa ku barakacaya ayaa sida aad la socotaan iyagoo boqollaal kun ah ka cararaya, waxayna isugu jiraan dadkii markii hore ahaa dad nolosha heerka dhexe ka joogay iyo kuwa ugu saboolsan dadka saboolka ah.

Mar wax laga weydiiyey in dadkaasi ka cararaya Muqdisho ay ka gaaraan wax deeqo ah ayuu Eric Laroche waxa uu sheegay in jawaabta ay dadkaasi guryahooda ka cararaya ka bixinayeen toddobaadkii la soo dhaafay ay ahayd mid waxoogaa ka fiican sidii hore marka loo eego in aan wax uun qabanayno, laakin haddii aad u tagto dadkaasi barakacay waxay kuu sheegayaan in aanay waxba helin oo aanu wax raashin ahi gaarin, ama dawo, taasina waa run, laakin wax waan gaarsiin doonnaa mar kasta oo aan awoodno.

Toddobaadkii hore ayaan anigu halkaasi tegay, waxaanan ku talo-jiraa in aan toddobaadka soo socdana tago halkaasi, waxaanan rabaa in aad dadka u xaqiijiyo in wax kasta oo aan awoodno in aan samayno in aan samayn doonno.

Iyadoo ay sidaasi tahay, haddana Soomaaliya gudaheeda wey dhib badan tahay in aad hawsha u waddo sidii loogu talo galay, waxaan la kulmaynaa dhibaatooyin noocyo badan leh.

Muqdisho dibaddeeda, halka la yiraahdo KM-13 waxaa ku taalla jid-gooyo, halkaasoo ay khasab kuugu noqonayso in aad la kulanto oo aad aragto afar maamul oo kala duwan, mar kasta oo aad doonayso in halkaasi ka gudubtana waa in aad bixisaa cashuuro oo aad siiso dhammaan maamulladaasi kala duwan oo qaar ay yihiin kuwa dowladda KMG ah, qaarna ay yihiin maamulka degaanka iwm, runtii waa xaalad aad u dhib badan.

Marka aad eegtana mar uun baa ama si uun baa ay tahay in loogula xisaabtamo cidda ka masuulka ah waxaasi ay samaynayaan maalin maalmaha ka mid ah.

Source BBCSomali

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: