Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Abuu-Mansoor oo iska fogeeyay eedeymihii dawladda Ethiopia ee duqeyntii Suuqa Bakaaraha.

abu mansoor

Abuu-Mansoor

 Halkaan ka akhri

Ururka Islaamiga ah ee Al Shabaab oo kamid ah ururada ka dagaalamaya Somaliya gaar ahan magaalada Muqdisho ayaa gaashaanka u daruuray hadalkii kaso yeeray dawladda Itoobiya ee ku aadanaa in Ururka Al Shabab masuul ka ahaayen duqeyntii lagu qaaday Suuqa Bakaaraha.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo la hadlay qaar kamid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay been abuur tahay arrintaasi isla markaana aysan iyagu masuul ka aheyn falkaasi.

”Al Shabaab mise Mujaahidiinta oo dhan waa joogi jireen,mana duqeynin waligooda Suuqa Bakaaraha laakin waa la wada ogyahay in Itoobiyaanku ay gubeen Suqa Bakaaraha haddana iyaga ay yihin waxa shacabka gumaday” ayuu yiri Abu Mansuur.

Afhayeenka Al Shabaab waxaa uu adkeeyay in ay guulo ka gaareen dagaaladii dhawaan ay kula galeen Muqdisho Ciidamada Itoobiyaanka isagoona sidoo kale beeniyay sheegashadii Itoobiyaanka ee aheyd in ay dileen 75 katirsan Al Shabab.

Hadalka kasoo baxay Al Shabaab ayaa kuso aadaya xilli dawladda Itoobiya oo la iska ogyahay Ciidankooda in ay gumaadeen shacabkii Bakaaraha ay ku eedeysay Ururkaasi Al-Shabaab masuul ka ahaan shiyaha falkii Bakaaraha ka dhacay 13-kii bishan.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@otmail.com

%d bloggers like this: