Xaafadda Isha ee magaalada Baydhabo oo uu saakay ka dhacay Qarax aad u xooggan.

qaraxbaydhabo1.jpg

Wadada  Isha Baydhabo

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in  saaka halkaas ka dhacay qaraxa xooggan oo lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay wadada Xaafadda Isha Baydhabo .

Qaraxan oo laga maqlayay gudaha Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Isha Baydhabo, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray, kuwaasi oo sugayay ammaanka waddo halkaas marta oo tagta xarunta madaxtooyada Baydhabo iyo weliba Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaan ilaa iyo hataan la ogeyn khasaaraha uu geystay, waxaana taas ugu wacnaa iyadoo ay goobta isku gadaameen Ciidamadii ku sugnaa Hareeraha Wadada dhexmarta xaafadda Isha Baydhabo, kuwaasi oo weliba dhinac kasta rasaas u riday.

Qaraxan  ayaa  ku soo beegmay xili ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay isu diyaarinayeen in ay gaaraan Xaruntooda KMG ah ee ADC-da, si ay halkaas ugu yeeshaan kulan ka mid ah Fadhiyadooda caadiga ah.

Ma ahan markii ugu horreeysay oo la qarxiya Gaadiid ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay agagaarka Buundada Isha Baydhabo laguna qarxiyay Miino dhulka lagu aasay, inkatsoo aan la sheegin khasaare Ciidamada Itoobiyaanka ka soo gaaray qaraxaas.

Balse waxaa lagu soo warramayaa in xaaladda Ammaan ee Magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkan waxay ahayd mid aan hagaagsaneyn, waxaana ku soo badanayay qaraxyo lala beegsanayo Ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo dilal loo geysnayo saraakiisha Ciidamada, iyadoo weliba magaalada ay ku sugan yihiin Ciidamo badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah.

SomaliSwiss Wakiilka Baydhabo

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: