Hay’adaha iyo Ururrada Samafalka (NGO) oo Xaafada ka tirsan magaalada Muqdisho ka sameeyey meelo lagu quudiyo dadka la il-daran Gaajada.

quudin.jpg

Daawo Sawirada

Halkaan ka akhri

Ururrada Samafalka aan dowliga ahayn (NGO ) ee ka howl gela Soomaaliya ayaa sheegay in Xaafadaha Magaalada  Muqdisho qaarkood ay ka sameeyeen Jikooyin lagu quudinayo dadka masaakiinta ee ka soo carara dagaallada  Muqdisho ka socda Aafeeyey.

quudin.jpg

Waxaa  ilaa hadda howlo quudin ah ka socda 10 Jiko oo Cunto loogu kariyo dadka gaajeysan, Sidaas waxaa yiri Maxamed Cabdullaahi oo madax ka ah Ururka Safamafalka SAACID oo gacanta ku haya qaar ka mid ah Jikooyinkaas,mar ay wareysatay Wakaaladda IRIN, wuxuuna intaas ku daray in Jikadiiba lagu quudiyo 5.300 qof , waxaa kaloo jira dad badan oo ku soo qulqulayo Jikooyinka, hase ahaatee dadkan ayaa u badan Caruur, Haween iyo dad dà ah.

quudin-oo-saf-jiro.jpg

Brogaraamka Jikooyinkan ayaa billaabmay 25ka November oo Ururka SAACID uu kula heshiiyey qaar ka mid ah Ururrada Caalamiga Sida:- UN World Food Programme (WFP).

Suxufiyiin badan oo tagtay meelaha lagu quudinayo dadka ayaa sheegay in dadkan ay yihiin dadka ugu Ceyrsan ee ku nool  magaalada Muqdisho ee aan heli Karin wax ay cunaan.

Suxufi ka tirsan Warbaahinta Muqdisho ayaa u sheegay Wakaalada IRIN in dagaaladii uga dembeeyey ee ka dhacay Xaafadaha Magaalada Muqdisho ay ku dhinteen dad tiradoodu ka badan ilaa 40tameeyo, kuna dhaawcmayn ilaa 120 qof, waxaana ka qaxay Boqolaal qoys.

Ma ahan markii ugu horreysay oo magaalada Muqdisho laga Sameeyo Jikooyin lagu quudiyo dadka tabar darran oo si ba’an u gaajaysan, balse sannadka markuu ahaa 1992dii ayaa Muqdisho laga sameeyey Jikooyinkan kuwo lamid ah,markaas oo ay socdeen dagaalladii Sokeeye ee ka duwan kan hadda ka duwan….

Sidoo kale Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed (Samafale) ayaa kaalmooyin kala duwan gaarsiiyay dadka ku barakacay dagaallada ka dhacay Muqdisho ee ku dhaqan inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Afgooye, deeqahan ayuu goluhu gaarsiiyay dadka ka soo barakacay dagaalada ee ku nool xeryaha qaxiootiga ee kala ah Towfiiq Saddex Buurood.

Deeqdan oo ka koobneyd bariis iyo saliid iyo dhar ayaa waxaa ka faaideystay 900 qoys oo ku nool labadaas xero . ayadoo qoys kasta uu helay 17kg bariis ah iyo 3 liitar oo saliid ah iyo weliba dhar.

 



SomaaliSwiis Muqdisho

SomaliSwiss@hotamail.com

%d bloggers like this: