Dowladda KMG oo qiratay in Xoogagga ka soo horjeeda, ay 80% gacanta ku hayaan dalka Soomaaliya, waddankana looga awood badan yahay xukuumaddooda.

Ciidamada maxkamadaha

Kacdoonka Shacabka

 Halkaan ka akhri

Dowladda KMG oo qiratay in Xoogagga ka soo horjeeda, ay 80% gacanta ku hayaan dalka Soomaaliya, waddankana looga awood badan yahay xukuumaddooda.

Agaasimaha guud ee Nabad-gelyada u qaabilsan Dowladda KMG, Qaasim Sheikh Ibraahim, iyo lataliyaha C/llaahi Yusuf (Xuseen Xuubsireed) ayaa Idaacadaha BBCda iyo Aljazeera u sheegeay, in kooxdooda iyo ciidamada gumeysiga Ethiopia ee taageera ay ka taliyaan wax ka yar boqolkiiba shan iyo toban, dalka Soomaaliya oo dhan, waxaana awoodda dalka inta badan heysta buu riyi Qaasim, kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Qaasim Sheikh Ibraahim ayaa daboolka ka qaaday in kooxaha ka soo horjeeda Joogitaanka Ciidamda gumeysiga Ethiopia ay haystaan Awood aan loo babac-dhigi Karin, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo maleeshiyadka Dowladda KMG, loogu xoog sheegtay dhowr dagaal oo horay u dhacay, isagoo dagaalkii shalay muqdisho ka dhacayna uu ku tilmaamay inuu ahaa dagaal xooggan, khasaare badanna geystey.

Wuxuu kaloo qirtay in xoogagga la dagaalamaya ciidamadooda iyo kuwa gumeysiga Ethiopia, ay aad u soo kordheen muddooyinkii u dambeeyey, iyaga oo soo buux-dhaafiyey gobollo badan oo dalka kamid ah, iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ah meesha dagaalka ugu culus uu mar walbo ka dhaco ah.

Wuxuu dafiray in uu jiro kacdoon shacab, inkastoo uu ku riiqday su´aal la weydiiyey oo aheyd, halka ay ka yimaadeen dadka ku soo biiray xoogagga la dagaalamaya ciidamadooda haddii uusan jirin kacdoon shacab.

Agaasimaha guud ee Nabad-gelyada ee kooxda Dowladda KMG, Qaasim Sheikh Ibraahim, oo kooxda uu ka tirsan yahay ay difaacaan 53000 oo Ethiopian ah, ayaa caalamka ka codsaday in ciidamo dheeri ah loo soo diro si looga difaaco Xoogagga Xoreynta Dalka, isagoo ku calaacalay iney qabsan doonaan dalka, haddii aan laga soo gaarin.

Marka la soo koobo hadalladii ay todobaadyadii la soo dhaafay ku hadaaqayeen Maxamed dheere, Gacmadheere, Cabdiqeybdiid, iyo shaqsigan iminka hadlay, ayaa waxaa iska cad in ciidamada gumeysiga ka jooga Soomaaliya, iyo kuwa la shaqeeyo ee mbagathi ay galeen xaalad murugo badan ku abuurantay, meel ay uga bixi karaana aaney jirin.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: