Daawo Sawirada
 Halkaan ka akhri
Â
Ku dhawaad illaa 3 Madfac ayaa ku soo dhacay gudaha Suuqa wayn ee Bakaaraha kaasoo ay soo tuuraan Ciidamada gumeysiga Ethiopia, Madaafiicadan lagu garaacay suuqa Bakaraha ayaa gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Abaarihii 12:00 daqiiqo ayay madaafiic kusoo dheceen gudaha Suuqa wayn ee Bakaaraha waxaana ku geeriyooday inta la ogyahay in ka badan 12 qofood oo ahaa dad rayid ah, halka in kabadan illaa 40 ruuxna dhaawacooda lageeyay Isbitaalada Muqdisho.
Madafaiicda ayaa ku kala dhacay Suuqa lagu iibiyo badarka iyo Masjidka daawaada oo ay dad badan ku dhinteen, Dhiig iyo Maydad ayaa daadsan gudaha suuqa Bakaaraha, goob joogayaal ayaa sheegay in Dhaawacyo aad u tira badan oo uu dhaawocooduna adkaa loola cararay Isbitaalada Muqdisho.
Madaafiicdan ayaa kusoo beegantay xili ay maanta illaa xalay ay dagaalo ka holcayaan daafaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: Mogadishu, Somalia |