Dagaalkii ugu cuslaa oo muddo aan dhicin ayaa maanta ka socda Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

dagaal muqdisho

Dagaal Muqdisho

 Halkaan ka akhri

Dagaalkii ugu kululaa mudo bil ah oo maalin cadd dhaca ayaa ka socda inta u dhaxeysa Deegaanka Towfiiq iyo Juungale, Warshadda hore ee Baastada Ex-Conrtol Balcad ee magaalada Muqdisho.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in abaare 10:00 subaxnimo uu dagaalka bilowday, isla markaana uu yimid kadib markii ciidamada gumeysiga Ethiopia ay isku dayeen in ay baaritaano ka sameeyaan xaafadaha Towfiiq iyo Juungal, ee degmada Yaaqshiid iyo Dayniile, magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa ah mid fool ka fool ah isla markaana la isku adeegsanayo madaafiicda cul culus iyo waliba hubka kale ee sida daran dooriga u dhaca, iyadoona la sheegayo in dhamaan Xoogaga Muqaawamada ay si wada jir ah uga wada qeyb qaadanayaan dagaalkan iyaga oo hal saf ah.

Ciidamada gumeysiga oo iyagu si aan kala joogsi lahayn u isticmaalaya madaafiicda ka dhacada taangiyada iyo BM-yada ayaa la sheegayaa in dib loo soo riixay isla markaana laga hor joogsaday baaritaankii ay ka damacsanaayeen in ay ka sameeyaan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo wali socda ayaa illaa iyo hadda aan la sheegi karin khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray Ciidamada Gumeysiga Ethiiopia, iyada oo la filayo in ay jiraan khasaarooyin baaxad leh oo soo gaaray.

Warar goo dhoweyd nasoo gaarayna waxa uu sheegayaa in wadada Warshadaha lagu arkayay Askar kamid ah kuwa Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa dowladda oo iyagu daadsan wadada warshadaha, iyadoo lagu qiyaasay isku darkooda illaa iyo 15 Askari.

Dagaalkan ayaa isagu ku soo beegmaya iyada oo xalay ay xoogaga muqaawamada Soomaaliyeed weerareen 9 goobood oo kala duwan kuwaasoo ay deganaayeen Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa lasheegay in dhowaan lagu soo taba baray Dalka Ethiopia.

Meelihii xalay weeararada ba´an lagu qaaday ee ay deganaayeen ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa Dowladda ayaa kala ahaa, / Wasaarada gaashaandhiga / Warshadii hore ee Baastada / Xaruntii hore ee guul-wadayaasha / Guriga maareeyaha Dekada Muqdisho Cabdi Jeenoow / Shaneemo shiirkole / Wadada Dabka / Xarunta xisbiga / Garoonka Isbartiibada / guryaha Saraakiisha

Xoogaga muqaawamada ayaa iyagu bilahan danbe wada qorshayaal Balaaran oo ay kula dagaalamayaan ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo waliba kuwa Dowladda KMG ah ee la sheqeeya gumeysiga ee ku sugan qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: