BAYAAN KA SOO BAXAY SARAAKIISHA CIIDAMADA QALABKA SID EE QARANKA SOOMAALIYEED.

Somali Midnimo Qaran

Qaranka Soomaaliya

 Halkaan ka akhri

HORDHAC

Kahor intaan la gudagalin dhibaatada hataan ka taagan dalka Soomaaliya iyo mowqifka ay ka qabaan Saraakiisha Soomaaliyeed dhibaatadan, waxaa lagamamarmaan ah in si kooban loo xuso saldhigga colaada Geeska Afrika ka aloosan guud ahaan, gaar ahaana tan u dhaxeysa Xabashida [Abyssinia ] iyo Soomaalida .
 Somali Midnimo Qaran

Colaado iyo dagaalo aan kal go’laheyn ayaa ka jirey Geeska Afrika intii ka danbeysay aassaasskii boqortooyadii Axum ee ka curatey Waqooyiga Geeska Afrika qarnigii afraad ee ka horeeyey dhalashadii Nabi Ciise. Boqortooyadaas waxaa curiyey koox fidineysey diinta Tawreet ee ku soo dagtey Nabi Muuse.

Diinta Islaamku markey soo dagtey, waxay si degdeg ah ugu faaftey Geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaana xeebaha dalka Soomaaliyeed ee Badda Cas iyo badweynta Hindiya.

Waxaa ka sameysmey magaalooyinka Zeylac, Awdal, Harar, Muqdisho iyo Baraawe, xaruma lagu Baranayey Quraanka iyo Diinta Islaamka, taas oo sabab u aheyd in Qarnigii Lix iyo Tobnaad ay Boqarradii Xabashidu duulaan ku soo qadaan dagaanadii Soomaalida guud ahaan, gaar ahaana: Awdal, Harar iyo Zeylac, si ay u gumaystaan Soomaalida, xeebna ay u hesho.

Imaan Axmed Gurey oo dhalinyara ahaa ayaa markii ugu horeysey ku guuleystey inuu ku jabiyo duulaankii Xabashida meesha loo yaqaan SHIMBIRO KORE,(HARAHA HAWASH ) kadib markuu mideeyey Imaraadkii yaryaraa ee Soomaalidu laheyd, isla markaana gaadhey Axum oo xarun u aheyd Xabashida [ eeg futuuxyl Xabasha].

Boqoortooyadii Burtiqiiska oo waqtigaas ugu xoogbadneyd reer Yurub ayey Xabashudu u qayladhaansatey, taas oo hub, rag iyo dhaqaalo la soo gaadhey, sababna u aheyd in awoodii Axmed Gurey la wiiqo.

Waqtigaas laga soo bilaabo Boqoradii iyo hogaamiyashii Xabashida ee kala ahaa : Boqor Yohanus, Menilek, Ras Makonnen, Hayle Selase, Mengistu Hayle Merian iyo Melis Zenawi waxay duulaan ku ahaayeen, kuna howlanaayeen sidey u qabsanlahaayeen, una gumayslahaayeen dhammaan dhulka Soomaaliyeed ee ku yaal Geeska Afrika.

Hanqaltaagan soo jireenka ah ee Xabashidu ku damacsaneyd iney ku qabsato, ciidda hooyo, kuna gumeysatana Soomaalida, si ay u hesho marin badeed waxaa markasta garab ku siinayey, walina ku siinaya xoogaga Masiixiga ah ee ka jira addunka oo hadda kahor u qeybiyey Soomaalida shan Qaybood.

Arrimahan kor ku xusan ayaa sabab u ah dagaalada soo jireenka ah ee dhexmaraya Xabashida iyo Soomaalida iyo qalalaasada Geeska Afrika. Sida laga warqabo hadda kahor waxay Xabashidu gumaysaneysay mudda ka badan hal Qarni Soomaali Galbeed, oo sababay dagaalo badan oo dhexmaray Soomaalida iyo Xabashida. Dhammaadkii sanadkii hore ayey ku duushey Xabashidu dalka Soomaaliya, isla markaana qabsatey, iyada oo si joogta ah u xasuqeysa dadka Soomaaliyeed.

Haddaba iyada oo la texgalinayo dhacdooyinkan taariikhiga ah ee kor ku xusan ayey saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed shir ay isugu yimaadeen, waxay ku falanqeeyeen xaaladda dadka iyo dalku maanta ku sugan yahay iyo sidii cadowga dalka looga xorayn lahaa.

Waxaa xasuusin mudan in dowlad la’aanta Soomaaliyeed ay sababta ugu weyn ahayd faragelinta shisheeyeha, taasoo waddamada deriska ah ay si gaar ah Soomaaliya ula dagaalameen, kuna midaysan yihiin, sida ku cad khudbaddii Moi ka jeediyey Maraykanka ee uu ku sheegay in Itoobiya iyo Kenya wadajir uga shaqaynayaan in aan nimdaam dowladeed ee loo dhan yahay uusan ka hirgelin Soomaaliya.

Waxay saraakiishu si buuxda isula fahmeen in dalku gacanta u galay cadowga soo jireenka ah ee Ethiopia oo ku taami jiray mar in uu dalka Soomaaliya wada qabsado. Burburkii dalka iyo dowlad la’aanta ka dib ayaa beesha caalamka oo ay Qaramada Midoobay hoggaamineyso, iyagoon tixgelin cadaawadda labada dal, waxay go’aansadeen in la dhigo gogosha dib u heshiisiinta Soomaaliya dalka Itoobiya (Addis Ababa).

Nasiibdarro hoggiyayaasha Itoobiya iyagoo sii wata istiraajijiyadoodii hore ee ku salaysnayd cadaawadda iyo faragelinta waxay ugu danbayntii wada qabsadeen dalkii, ciidamadooduna waxay geysteen, kuna hayaan dadka iyo dalka dhibaatooyinkan hoos ku qoran:

1. Waxay si bareer ah maalin walba ugu Xasuuqaan hubka noocyadiisa kala duwan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan dumarka, carruurta iyo dhammaan inta taagta daran.

2. Waxay si joogto ah u dilaan, u dhaawacaan, u qafaashaan, u xiraan, u kufsadaan, una jirdilaan tiro aad u badan ee shacabka Soomaaliyeed ah; si gaar ahna waxay u ugaarsadaan saraakiisha, aqoonyahanka, culamada diinta, ganacsatada iyo oday dhaqameedyada.

3. Waxay burburiyaan hantidii guud iyo tii gaar ahaaneedba.

4. Waxay bililiqaystaan wixii kasoo haray burburkii ee ku jiray gacanta dadweynaha.

5. Waxay si ulakac ah u barakiciyeen dad ka badan hal milyan iyo bar, kuwaasoo intooda badani ku tabaalaysan yihiin dalka gudihiisa kuna haystaan dhibaatooyin sida cudurro, Daawo la’aan gaajo hooy la’aan iyo biyo la’aan; halka in badan u haajireen dalalka dibedda iyagoo ku dhintay badaha.

6. Waxay albaabada u laabeen, horistaagan yihiina, ilihii dhaqaalaha sida dekedihii, ayrabooradii, iyo goobihii ganacsiga sida suuqyada waaweyn iyo Kuwa yaryar.

7. Waxay Xireen Dhamaan goobahii waxbarashadda. Saldhigyana ka dhigteen iskooladkii, jaamacadahii, Masaajidyadii isbitaaladii iyo dhamaan Goobaha adeegyada Bulshada.

8. Waxay sababeen xasillooni darro guud ee dalka ku baahda iyo dagaallo qabiil oo dib u soo laabtay.

Sida aad la socotaan gumeysiga dalka qabsaday waxaa u sahlay kala qaybsanaanta, qabyaaladda iyo wadajir la’aanta ummadda Soomaaliyeed; wax micne ahna ma samaynayso in lasii wado dagaalladii, colaaddii iyo nacaybkii soo kala dhexgalay ummadda muddadii ay socdeen dagaalada sokeeye ee sababay in la waayo qaran Soomaaliyeed ee ilaaliya xorriyadda iyo madaxbannaanida dalka.

Sidaas daraadeed, waxay saraakiishu baaq usoo jeedinayaan ummadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba, una sheegayaan in ay u istaagaan sidii loo xorayn lahaa.

Dibna-loogu soo celin lahaa xorriyaddii iyo midnimada ummadda, waxaa kale oo lagama maarmaan ah in ciidammada qalabka-sidana ka qaataan kaalintoodii ilaalinta iyo difaacidda madaxbannaanida dalka hooyo, ayagoo fulinaya balantii iyo dhaartii ay horey u qaadeen…

Beesha caalamka waxaan usoo jeedinaynaa in ay dib u eegto guud ahaan dhibaatada Arrimaha Soomaaliya, gaar ahaanna wax ka qabato gardarrada iyo xasuuqa ay dowladda Itoobiya ku hayso shacabka Soomaaliyeed oo ay hore u aafeeyeen dagaalladii sokeeye sannadihii lasoo dhaafay, iyadoo la raacayo qodobada soo socda:

1. In si deg deg ah loogu gurmado shacabka ku barakacay dagaallada.

2. In si degdeg ah oo dhammaystiran ciidamada Itoobiya uga baxaan guud ahaan Dalka Somaaliya..

3. In la qabto dibuheshiisiin dhab ah ee faragelin nooc walba ka madax-bannaan, laguna qabto meel dhexdhexaad ah, kana qaybgalaan kooxa isga soo horjeeda siyaasadda iyo qaybaha bulshada; si loo gaaro dowlad lagu wada midaysan yahay.

Wa Billaahi Tawfiiq.

Qoraalkan waxaa si wada jir ah uqoray Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: