Warbixin kooban :- Bur bur ku socda Dowladda KMG ah & gumeysiga Ethiopia oo ka fiirsanaya sidii uu ka yeeli lahaa xiligan!

Meles Zenawi

Faallo Dheer

 Halkaan ka akhri

Wararka la isla dhex marayey maalmihii ugu danbeeyay magaalada Baydhabo dhexdeeda ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khilaaf ka dhex aloosan ku simaha C/Laahi Yuusuf ahna ku xigeenka gudoonka Baarlamaanka Dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya, Maxamed Cumar Dalxa.

Maxamed Cumar Dalxa oo xarunta madaxtooyada Baydhabo fariisin ka dhigtey si ku meel gaar ah, maadaama uu ku sime u yahey C/Laahi Yuusuf ayaa la sheegayaa in qaar ka tirsan agaasinka madaxtooyada, uu khilaaf soo kala dhex galey, kaas oo ku saabsan sida loo agaasimayo howlaha madaxtooyada C/Laahi Yuusuf.

Sidoo kale wararku waxa ay sheegayaan in nin sarkaal ah oo ka tirsan ilaalada C/Laahi Yuusuf oo lagu magacaabo Ina Dhiig Sokeeyo uu Bastoolad ku qabtey Maxamed Cumar Dalxa, xilli uu rabey in howlo ka qabto xarunta madaxtooyada C/Laahi Yuusuf. Waxaana la sheegayaa in Dalxa uu ka guuray xafiiskii uu ku lahaa madaxtooyada una guurey guriga Adan Madoobe.

Is qab-qabsiga iyo khilaafaadka soo kala dhex galey ilaalada madaxtooyada Baydhabo iyo ku simaha C/Laahi Yuusuf ayaa ku soo aadeysa xilli C/Laahi uu arimo caafimaad ugu maqan yahey wadanka dibadiisa, lagana soo deyrinayo xaaladiisa caafimaad.

Dhanka kale warar hoosaadyo laga helayo qaar ka tirsan ciidanka dowlada KMG ah, ayaa sheegaya in ciidankii dowlada KMG u diiwaangashanaa ay qeyb walba qabiilkii ay ka soo jeedey dib ugu xarootey, oo xeryo iyo fariisimo ka agdhow deegaanka qabaa’ishooda ku xaroodeen. Kuwii gobolada ka yimidna si dhuumaaleysi ah u baxaan maalin walba.

Arintan ah in ciidankii dowlada KMG ah u xareysnaa uu baxsad yahey ayaa laga dareemay magaalada Muqdisho, iyada oo dadka ku dhaqan magaalada ay ka reysteen dhibaatooyin badan oo ay kula kici jireen, iyo baaritaano badan oo joogta ahaa oo ay ka sameyn jireen xaafadaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale arintan ayaa ku soo aadeysa xilli ciidanka gumeysiga Itoobiya ay baneeyeen goobo badan oo ay horey uga deganaayeen magaalada Muqdisho, kuna wareejiyeen meelihii ay baneeyeen ciidamo ay ku soo taba baratey gudaha dalka Itoobiya, ka dib markii ciidankii dowlada KMG ah ee ay isku haleyneysan ay yareedeen.

Arimahan ayaa muujinaya in uu jiro bur bur baahsan oo ku soo Fool leh dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya, sidoo kale waxa muuqata in dowlada Itoobiya ay arintan ka tashaneyso marka loo eego sida ay wax ku wado.

Dhinaca kale Dowlada Maraykanka iyo Itoobiya ayaa si wada jir ah ugu wada hungoobay in ay soomaaliya keenaan Ciidamo lagu badalo kuwa gumeysiga itoobiya ee iyagu la taala tiicaya weerarada iyo qaraxyada ay xoogaga Muqawamada ay la beegsanayaan.

Itoobiya ayaa sido kale Cadaadiskii ugu darnaa waxa uu ka heystaa xadka iyada iyo Eritrea u dhaxeeya kaas oo la sheegay in ay eritrea soo dhoobtay ciidamo gaaraya 125 kun oo askari oo ku hubaysan qalab casri ah, halka itoobiyana ay soo dhoobtay 100 kun oo askari oo laga soo aruuriyay qaar ka mid ah gobolada itoobiya iyo kuwa ay gumeysato, kuwaas oo la sheegay in si qoor qabad ah ay itoobiya damacsantahay in ay ku galiso dagaalka la filayo in uu dhexmaro iyada iyo Eritrea.

Dowlada Eritrea ayaa iyadu dhinaca kale waxa ay adeegsanaysaa jabhabdo gaaraya 3 jabhadood oo ka dagaalama dhulka S/galbeed iyo Oromiya, kuwaas oo ay ugu talo gashay in ay ku jabiso awooda itoobiya ee heehaabaysa.

Si kastaba ha ahaatee marka la fiiriyo dhaq-dhaqaaqa ay xoogaga muqaawamadu ka wadaan gobolada Soomaaliya isla markaana ay qaarkood ka sameynayaan maamulo hoostaga, khilaafka iyo shaqeyn la’aanta xukuumada Nuur Cadde, Dhaqaalo la’aanta, xaalada Caafimaad xumo ee C/laahi Yuusuf, dagaalka u dhaxeeya itoobiya & Eritrea, iyo ciidamo keenid la’aanta soomaaliya, iyo waliba kalsooni la’aanta ka heysata DFKMG ah shacabka soomaaliyeed ayaa waxa uu saadaalinayaa bur-bur xoogan oo si dhaqsa ah ugu yimaada DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga iyo waliba Taliska Meles Zenawi ee heehaabaya.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: