C/llaahi Yuusuf oo mar kale si toos ah u qiray in magaalada Kismaayo iyo meela kalaba aanay gacanta Dowladda kujirin.

yusuf

C/llaahi Yusuf

 Halkaan ka akhri

C/llaahi Yuusuf oo mar kale si toos ah u qiray in magaalada Kismaayo iyo meela kalaba aanay gacanta Dowladda kujirin.

C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markale si toos ah ugu celiyay in aysan gacantooda ku jirin magaalada Kismaayo iyo sidoo kale guud ahaan Jubbooyinka, isaga oo sheegay in Maleeshiyada dowladda aysan weli halkaasi gaarin.

Mar wax laga weydiiyay sababta ay halkaasi u aadi waayeen ayaa waxa uu ku sheegay in ay tahay in ay doonayaan sidii wada hadal ay ugu horeyn ugula geli lahaayeen qabaa’ilka halkaasi degan, waa sida uu hadalka u dhigaye iyadoo markaa kadibna ay ka sameyn doonaan hawlgalada dowladduna ay sidaasi ku aadi doonto.

C/llaahi Yuusuf oo weli kusugan magaalada London isla markaana laga daweynayo Beerka ayaa ku sheegay in uu ogsoon yahay in Kismaayo ay ku sugan yihiin waxa uu ku sheegay Kooxo Argagixiso ah waa sida uu hadalka u yiri kuwaasi oo uu ku sheegay in aanay kula dagaalami doonin halkaasi oo ay la dagaalami doonaan marka qabaa’ilka halkaasi degan ay is afgartaan waa sida uu Hadalka u yiri C/llaahi Yuusuf.

Horey ayay Ciidamada gumeysiga Ethiopian-ka u weerareen magaalada Kismaayo iyaga oo halkaasi kasoo qabqabtay rag uu kamid yahay Sheekh Axmed Maxamed (Islam) oo illaa iyo iminka aanan la ogeyn halka uu ku dambeeyo, waxaana xilligii ay soo qabanayeen uu ahaa dhaawac kadib duqeyntii diyaaradaha cadowga dalka Mareykanka ay ka geysteen Deegaano kamid ah Gobobolada Jubbooyinka.

Lama garanayo in C/llaahi Yuusuf uu u qorsheynayo weerar ka dhan ah Magaalada Kismaayo lakin sida ka muuqata ereyadiisa waxaa muuqaneysa in uu weerar u qorsheynayo halkaasi siduu doonaba ha ahaadee.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: