Christoph Blocher oo Maanta ku guuldareystay doorashadii Baarlamaanka, booskiisiina loo doortay Haweeney lagu magacaabo Eveline Widmer-Schlumpf.

Blocher

Warki oo faahfaahsan

Halkaan ka akhri

GUUL DARADII XISBII ISLAWEEYNIDA IYO NACEEBKA AJNABIGA  

IYO CHRISTOPH BLOCHER OO CAAWA GUULDARO LA HOYDAY 30 SANO KADIB

Waxaa Maanta oo ah 12.12.2007 Magaalada Berna ee caasaimada Dalka Switzerland ka dhacayay Doorashada Bundesrat-ka oo ah Todobadaba Qof ee dalkan Switzerland ka taliya.  

Waxaana ansixiya afartii sano mar xildhibaanada  oo tiradooda dhantahay 246, waxaana Hadana loo codeeyay Todobada qof qofkii noqon lahaa Madaxweynaha Sanadkan kaasoo ah mid sanadwalba Wareega, Waxaana ay bilaabatay Doorashada maanta 08:00 subaxnimo, waxaana horaantii loo codeeyay Moritz Levenberger, waxaana ku xigay, Pascal Couchebin, hadana Samul schmid Michelline Calmy rey, waxaan Arimaha isbadeleen markii codka loo qaaday  Christoph Blocher, kaasoo heli waayay codkii looga baahna, waxaana dhacday in xisbiga SVP ay markale dhaheen haloo codeeyo Christoph Blocher,  Taasoo xisbiyada kale  ay soo bandhigeen Musharax u Qarsoonaa oo katirsana isla xisbiga  SVP oo layiraahdo Eveline Widmer-Schlumpf. 

Markaa Ayaa Buuq iyo Sawaxan waxaa Hareeyay Barlamanka oo ku noqotay Taageerayaasha  SVP    Arin aysan ku tashan waayo waxay Ahaayeen xisbiga Agu tirada badnaa   Barlaamaanka, Markii ay arini sidaa mareeyso ayaa kooxa u olaleeya Dumarka waxay isugu soo baxeen Barxada weyn ee Bern Budeshaus-ka.  

Waxaase layaab Noqotay Haweeneeydii loo Codeeyay in ay noqoto madaxa Bundesrat-ka in aysan Joogin Berna maadaama ayadu aysan ahayn Xildhibaan.

Waxaase  la isweeydiiyay Haweenaydaas sida ay ku imaan karta Baarlamaanka Berna oo uu ka socdo Doorashada waayo laguma jawaabi karo  Telefoon IWM. 

Waxaan is weydiinay Aniga iyo Wariye yaal badan oo markaasi ku sugneyn guriga Baarlamaan-ka in aan isweeydiinay halka laga helayo Haweeneyda Cusub ee ladoortay, waxaase naloo soo xaqiijiyay in 10:00 Subaxnimo ay Tariin ka soo raacday  Bunderland oo ka tirsan Kanton-ka Chur oo ay u soo socoto Bern.  

Wakhti gaaban kadib saacadu markii ay aheyd 11.30 inoo suurta gashay in aan wax ka weeydiino Marwada loo dooray booskii Blocher ee Marwa Eveline Widmer in ay ogolaatay inay noqoto Bundesrat-ka loo doortay, waxayse kaga jawaabtay waa arin u baahan in aan kala tashado xisbiga, waxaa markii ay saacadu ahayd  12:00 in la dhaariyo lixda qof ee  loo codeeyay  marka laga reebo Christoph Blocher,  Von links: Der Schweizerische Bundesrat mit Moritz Leuenberger, der Bundespräsident 2008 Pascal Couchepin, Samuel Schmid, Micheline Calmy-Rey, Hans-Rudolf Merz, Doris Leuthard, und die neugewählte Bundeskanzlerin Corina Casanova werden vereidigt.

Waxayna  ahayd guuldaro weyn oo ku dhacday xisbiga SVP. 

Waxay raga  wax ka qora arimaha Siyaasada dalkaan leeyihiin 130 sano ee taariiqda dalkaan ma aysan dhicin xisbi helay taageerada shacabka oo hadana hanan waayeyn Barlamaanka .oo bil gudohood ku dhacday guuldaro waaweyn, oo kamid ah in ay lumiyaan Magalooyinka Zürich iyo St.Gallen.

Eveline Widmer-Schlumpf waa Haweeney Abaheed magac ku leeyahay Dalkaan Switzerland horeyna u soo noqday Bundesrat, waxaase arimahan la go’aamiyay in la sugo ilaa maalinta beri subax 8:00 Aroornimo markaasoo ay Baralamaan-ka hortegi doonto Eveline Widmer-Schlumpf, waxaana laga doonayaa in ay ogolaato iyo in ay diido xilka loo magacaabay ee ah booska Christoph Blocher.  

Sidoo kale isla Xisbiga SVP ayaa iyaguna ku dhawaaqay hadii Mudane Blocher laga qaado booskaasi oo loo dhiibo Haweeneyda Evelin in ay iyagu laftooda noqonayaan Mucaarad kasoo horjeeda Xisbiyada kale ee wadanka ka dhisan. waa inoo beritole illaah idinkiis iyo waxa ka soo baxa Berna iyo dhamaadkii Taaridii Blocher. 

SomaliSwiss Xafiiska weyn 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: