
Daawo Sawirada

 Halkaan ka akhri
Waxaa Doraad oo bishu aheyd 9/12/2007, shir isugu yimid odayaasha, Culimaudiinka, haweenka, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Hawiye ee ku nool dalka Ingiriiska waxaana shirkaasi laga soo saaray baaq iyo hadalo lagu diidan yahay joogitaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo Canbaarayn Xariga Nabadoon Axmed Diiriye iyo Muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed.
Waakan baaqii aysoo saareen beesha hawiye
JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA
GUDIGA & WAXGARADKA HAWIYE EE DALKA INGIRIISKA
Date 9th Dec 2007
KU: QARAMADDA MIDOOBAY
KU: DAWLADDA MAREYKANKA
KU: MIDOWGA YURUB
KU: URURKA JAAMACADDA CARABTA
KU: URURKA DOWLADAHA ISLAAMKA
KU: URURADA SAMAFALKA & XUQUUQDA BANI’ADAMKA
KU: MIDOWGA AFRICA
KU: URURADA BULSHADA RAYIDKA AH EE SOOMAALIYEED
KU: DHAMMAAN DUUBABKA & WAXGARADKA KALE SOOMAALIYEED
KU: DHAMMAAN MEDIA DALKA IYO DIBADDA
OG: GOLAHA DHAQANKA MIDNIMADDA SOOMAALIYEED
Aragti
Waxaan u aragnaa In Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyo Kooxeedyada Soomaalida iyo Madaxdoodu ay ka geesteen Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Muqdisho dagaal Xasuuq ah, Burburin, Barakac, Kutumasho Xuquuqul Insaanka Balaaran ee Baahsan, dagaalkaas oo ah mid Sigaar ah loogu isir suucayo Bulshada SOomaaliyeed qeybo ka mid ah.
-
Kadib markii Si ula kac ah oo aan kala sooc laheyn loogu garaacay Degmooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho Shacabkii daganaa, taasoo ay ka dhalatay Barakac, Xasuuq Maato Leys ah.
-
Kadib Markii Shacabkii Qaxay waxaa la bur buriyay Guryahoodii iyo Hantidoo.
-
Kadib Markii laga Cuna qabateeyay Maatida Qaxday Gargaarkii Bani’aadannimo ee Gudaha iyo Dibadda.
-
Kadib Markii Ragga Madaxda Sheeganaya ay ku tilmaameen Maatadii Qaxday oo Haweenka, Carruurta iyo Bukaanka u badneyd Argagixiso, taasoo ah arin dhacdada Adduunka ku cusub, taasoo muujinaysa Isir sooca iyo cirib tirka aan kor kusoo sheegnay.
-
Kadib markii Waxgaradkii, Odayaashii, Wakaaladihii Wararka iyo Xubnihii Media-yaha, afka laga xiray, La dilay, La Xiray, La dhaawacay, ayagoo dhamaantood lagu eedeynayo ka hadalka iyo ka warbixinta Dhibaatadaas lagu hayo Shacabka.
Anagoo maanka ku hayna arimahaas Jowrfalka ah oo ka baxsan Xuquuqda Bani’aadamka, aadna u fogeynaya heshiis kadhaca Umadda Soomaaliyeed dhexdeeda waxaan u baaqeynaa:-Â
BAAQ
1.     Waxaan Caalamka ugu baaqeynaa iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ay si deg deg ah oo fir fircoon usoo dhex galaan joojiyaana Gaboodfalka aan kor kusoo sheegnay oo ay wadaan Dowladda Ethiopiaa iyo Dowladda K.M.G ah.
2.     In si deg deg ah wax looga qabto Musiibada Bani’aadam ee ka dhalatay dagaalkaa isir sooca iyo Cirib tirka ah lana gaarsiiyo dadka barakacay gargaar deg deg ah ayadoo laga baqi karo lagana qaado cuna qabateynta ay ku hayaan Ciidamada Ethiopia iyo Maamulka K.M.G ah.
3.     In sida ugu dhaqsiyaha badan dalka looga saaro ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka sharci-daradda ku qabsaday, taasoo sii hurinaysa dagaal dabadheeraada Xusuuq iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo sii fogaata.
4.     In si dag dag ah Jeelasha looga siidaayo Boqolaalka Rayidka ah oo ka buuxa Xabsiyaasha Arxanka Daran ee Ciidamada Itoobiya iyo Dowladda K.M.G ah ay Ciqaabka u sameysteen.Â
Â
5.     Waxaan ku baaqaynaa in loo diro gudi madaxbanaan oo caalami ah oo soobaara gadgudubka xuquuqul insaanka iyo xasuuqa ay geysteen ciidamada itoobiyaanka iyo dowlada K.M.G iyo madaxdeeda
6.     Waxaan si gaar ah aduunka iyo waxgaradka Soomaaliyeed uga codsanaynaa in oday dhaqameedyada Xurmada ku leh Shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Afhayeenkii Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha hawiye Mudane Xaaji Ahmed Diiriye Ali, iyo Xubnaha kale ee Golaha ka mid ah sida:- sheikh Ahmed Ali Gees iyo Xasan Raage Hiraabe (Koojaan) iyo Abdinuur Ahmed. Raggaas oo lagu xiray damiirkooda iyo Fikradohooda ay kaga hadlayeen Dhibaatada Umadda Soomaaliyeed loo geysanayo.
7.     Waxaan ka digeynaa In la joojiyo Oday dhaqameedyada Birimageydada ah oo la xirayo ama la dilayo, taasoo keeni karto dagaal sokeeye oo Horleh oo ka dhex dhaca Beelaha Soomaaliyeed.
8.     In Media-yaha, Suxufiyiinta, Oday Dhaqameedyada, Culumada, Hogaamiye yaasha Ururada Samafalka laga daayo Dilka Ugaarsiga iyo Xabsiga lana xurmeeyo Shuruucda Xuquuqda Rayidka iyo Xoriyadda Qoolka.
9.     Waxaan kaloo ugu baaqeynaa dhamaan Bulshada Soomaaliyeed in laga digtoonaado Fal iyo Qowl keeni kara oogid Dagaal sokeeye oo hor leh.
10. Waxaan kaloo ugu baaqeynaa Bulshada Soomaaliyeed in ay u midowdo Ilaalinta ayatiinkooda, Umadnimmo, Islaannimo, Qarannimo,
11. Waxaan kaloo ku baaqeynaa inta aan dalka la keenin Ciidamo kale oo shisheeye in laga hormariyo Dib u heshiisiin dhab ah oo dhex marta dhinacyada kala duwan ee siyaasadda isku haya si ay u dhalato Nabad la ilaalin karo, Isla markaana shacabkii barakacay lagu soo celiyo guryahoodii, Samafal Balaaranna loo sameeyo.
SAXIIXA GUDDIGA IYO WAX GARADKA KALE
- Ali Shiikh Maxamed (Ali Shiino)Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Gudoomiyaha Gudiga hawiye
- C/llahi Sahal (C/llaahi Cirro)                 Xog’hayaha Gud. Dh. Bel. Hawiye
- Mohamed Hussein Wardhere                                                              Â
- Ali Ga’al Mohamed (Wardhigley)                                 Â
- Abduqadir Arab Uleh                                                   Â
- Ahmed Salad Kulmiye                                       Â
- Abdullahi Ali Osman                                                     Â
- Mohamed Xasan Maxamed                                             Â
- Omar Haji Xasan                                                                    Â
- Cabdi Xashi Aakhiro                           Gud. Somali National Democratic Party.
- Imam Sh. Bashir Salad (Dholayare)Â Â Â Â Â Â W/ Kulanka Culmada Som. ee Yurub
- Mohamed Abdulla Furre                                                  Â
- Ahmed Xaaji Mohamed (Sandheere)Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â
- Axmed Hussein Ali                                                          Â
- Hassan Elmi Karshe                                                         Â
- Abdulkadir Ahmed Mumin                                                                              Â
- Ahmed Ali Baalle                                                              Â
- Ali Sheikh Don                                                    Â
- Khalif Hersi Ali                                                    Â
- Abdifitah Sahal Farah                                                      Â
- Omar Salad Elmi                                                             Â
- Ahmed Jamac KUlmiye                                                   Â
- Aweys Mohamed Omar                                                  Â
- Mohamed Omar Jim’ale                                                  Â
- Dahabo Esse Mohammud (Dowlo)Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â
- Hawo Sayid-Ahmed Haji Yusuf                                       Â
- Asli Muse Barale
- Sirad Omar Dhoof
- Shukri Cilmi Farey
- Fadumo Cabdi Weheliye
- Said Ahmed Halane                                                         Â
- Esse Ahmed Dirie                                                             Â
- Abdi Salad Dhuxul                                                           Â
- Abdirashid Ahmed Aynab                                                Â
- Mohamed Ali Dini                                                           Â
- Alinur Mohamed Ahmed                                                  Â
- Abdi Farah Jamac (Abdi Dhere)Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â
- Caydurus Ali Dhof                                                            Â
- Said Ahmed Kadiye                                                        Â
- Sheikh Daahir Idle                                                            Â
- Liban Ali Sheikh Don                                            Â
- Hassan Haji Hassan                                                         Â
- Sheikh Ali Araye                                                             Â
- Abdiqafar Mohamed Hassan                                            Â
- Hussein Salad Dhuhul                                           Â
- Abuukar Maxamed Dhoore
Shariif Cabdi Nuur Xasan (Shafka) Magaalada lONDON
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: London, UK |