Sheikh Shariif :- “QM, ayaa qaadi doonta mas’uuliyadda gaboodfalka ay Ciiddamadda gumeysiga Ethiopianka ka geystaan gudaha dalka Somalia.”

Sheekh Shariif

Sheikh Shariif

 Halkaan ka akhri

Sheikh Shariif Sheikh Axmd Hoggaanka Sare ee Isbahaysiga Dib-U-Xorreynta dalka Somalia, ayaa sheegay inay Qaramada Midoobay qaadi doonto mas’uuliyadda Gaboodfalka ay Ciiddamadda gumeysiga Ethiopia ka geystaan gudaha dalka Somalia.

Guddoomiyaha Golaha Fulinta Isbahaysiga Dib-U-Xorreynta Somalia, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, , ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi khaas ah oo maanta lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee Al-Arabiya ee Telefishinka Al-Arabiya ee ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, ayaa si kulul u naqdiyey doorka QM ee ku aadan Arrimaha dalka Somalia, wuxuuna sheegay inaysan doorkii laga filayey si daacad ah uga soo bixin.

Xasuuq1

Sheikh Shariif oo haatan ku sugan Caasimadda dalka Eriteria ee Asmara, ayaa sheegay inay Somalia tahay Dowlad xubin ka ah QM, loona baahan yahay inay Ummadda Soomaaliyeed ku noolaadaan si sharaf leh, lana dhowro midnimaddooda iyadoo aysan Ciiddamadda gumeysiga Ethiopianka sii joogin gudaha dalka Somalia.

“QM, ayaa qaadi doonta mas’uuliyadda Xasuuqqa, dilalka iyo barakicinta ee ay Ciiddamadda gumeysiga Ethiopian ka wadaan magaalladda Muqdishu, waxaana dhihi karnaa QM, waxay barbar istaagtay kuwa duullaanka ku haysta dalka Somalia” ayuu yiri Sheikh Shariif.

amin148

Sidoo kale Wareysigan khaaska ee uu Sheikh Shariif Sheikh Axmed siiyey Shabakadda Wararka ee Al-Arabiya ee Telefishinka Al-Arabiya, waxa uu digniin kulul ugu jeediyey Dowladaha Afrikaanka ah ee doonaya inay Ciiddamo Nabad ilaalin ah u soo diraan dalka Somalia, wuxuuna xusay inay dagaal kala hortegi doonaan ciidan walboo soo kaalmeeya gumeysiga.

Xasuuq113

“Waxaan ugu baaqaynaa Dowladaha Afrikaanka inaysan Ciiddamo u soo dirin dalka Somalia, balse hadii ay u soo diraan waxaan ula dagaalami doonaa sida aynu ula dagaalno Ciiddamadda gumeysiga Ethiopia ee duullaanka ku qabsaday dalka Somalia” ay uu yiri Sheikh Shariif, oo ku celceliyey inaysan xoogagga Muqaawamaddu oggolaan doonin inay Ciiddamo shisheeye sii joogaan gudaha dalka Somalia.

Brundi Troops

Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxa uu ugu baaqay Dowladaha Afrikanka inay gacan ka geysteen Dib-U-Heshiisiinta Shacbiga Soomaaliyeed, isagoo tilmaaamay inaysan wax natiijo ah dhalin doonin hawlgalladda Milliteriga ah ee laga wado Somalia.

xasuuq111

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Fulinta Isbahaysiga Dib-U-Xorreynta Somalia, Sheikh Shariif Sheikh Axmed waxa kaloo uu dhaliilay Siyaasadda Dowladda Maraykanka ee ku aadan Arrimaha dalka Somalia, isagoo ku eedeeyey inay maalgeliyaan Hawlgalladda ay Ciiddamadda gumeysiga Ethiopianka ka wadaan gudaha dalka Somalia.

xasuuqa shacabka

Sheikh Shariif, waxa uu si baahsan u naqdiyey kulankii ay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, Condoleezza Rice ay Hoggaamiyayaasha dalalka Bariga Afrika dhawaan kula yeelatay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, oo ay kaga wada hadleen Ciiddamadda Nabad ilaalinta Afrikaanka ee ka hawlgala dalka Somalia.

“Condaleeza Rice, iyo kuwa la midka ah xaq uma laha inay ka tashadaan aayaha Shacbiga Soomaaliyeed, ma Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, ayaa ah Madaxweynaha dhabta ee Somalia?” ayuu yiri Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

SomaliSwiss Xafiiska weyn

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: