Nabadoon Sabriye Faarax oo caawa Maqribkii, nin Baastoolad ku hubeysan ku dilay Xaafadda Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

war degdeg ah

Dil Nabadoon

 Halkaan ka akhri

Nabadoon Sabriye Faarax oo caawa Maqribkii, nin Baastoolad ku hubeysan ku dilay Xaafadda Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Nin nabadoon ahaa oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Sabriye Faarax ayaa caawa Makhribnimadii lagu dilay xaafada Jiira-Maskiin ee dagmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Dilkaan ayaa la sheegay in uu gaystay nin aan la garanayn kaasoo ku hubaysnaa Baastoolad isagoo baxsaday ka dib markii uu gaystay falkan dilka ah.

Ilaa iyo hadda ma cada lamana garanayo sababta loo dilay ninkaan nabadoonka ah iyo cidda dishay toona ayada oo aan falkan cid kale wax ku noqon.

Falkaan dilka ah ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaaladda muqdisho ka jirto amaan daro iyo dhibatooyin fara badan oo ay gundhig u yihiin ciidamada gumaysiga Ethiopia.

Dilkan ayaa noqonaya kii ugu horeyay noociisa oo mudo bilooyin ah aan ka dhicin caasimada Muqdisho,xili ay yaraadeen falalkan oo kale.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: