In ka badan toban kun qof oo Somali ah ayaa la filayaa in sanadkan ay gutaan waajibaadka Xajka.

xajka.jpg

Xajka Sanadkan

 Halkaan ka akhri

In ka badan 10 kun qof oo Somali ah ayaa la filayaa in sanadkan ay gutaan waajibaadka Xajka, iyadoo duulimaadyadii dadka xajinaya ee u danbeeyay ay ka baxayaan Somalia todobaadkan.

Dadka Soomaalida ah iyo qaar ka mid ah wadamada Islaamka ayaa iyagu sanadkan Xajinaya iyaga oo wadankooda gumeysi ku hoos jira isla markaana si gaar ah Ummadda Soomaaliyeed loogu geysanayo xasuuqii ugu badnaa maalin walba.

Boqolaal Soomaali ah ayaa iyagu hadda ku sugan Xaramka waxaa sidoo kale isla xaramka ku sugan boqolaal kun qof oo Muslimiinta Caalamka ah oo daafaha adduunka ka kala tegay oo gudanaya Xajka sanadkan, iyadoo kuwo kalena ay weli ku sii qulqulayaan magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Medina. 

Sidoo kale dad aad u badan ayaa sanadkan kabaxay wadankan Swiss-ka kuwaasoo isugu jira Muslimiin wadama kale uwada dhashay oo kunool wadankan Switzerland, iyadoo dadka qaar ay Masaajidada gobolada ay kabaxayeen dadka Muslimiinta ah qada sharaf sagootintooda ah u sameeyay.  

SomaliSwiss Xafiiska Weyn  

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: