Dagaal u dhexeeya laba beeleed oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka qarxay deegaano ka tirsan degmada Cadale.

GOOBAANLE

Dagaal Beeleed

 Halkaan ka akhri

Dagaal u dhexeeya laba beeleed oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka qarxay deegaano ka tirsan degmada Cadale.

Ugu yaraan inta la ogyahay 8 Qofood ayaa ku nafweysay tiro ka badana illaa 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal laba beel oo walaala ah ka dhex qarxay labo maleeshiyo Tuulada Xaaji Cali oo hoos timaadda degmada Cadalle ee gobalka Shabellaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa ah mid salka ku haya aanooyin qabiil iyo dilal hore oo u dhexeyey labada beelood ee dagaalamayey oo lagu guuldarestay in xal buuxa laga gaaro,

Waxaana dagaalka uu qarxay ka dib markii maleeshiyooyinka beel ka mid ah labada beelood ee dagaalamaya ay dil u geysteen nin caan ka ah deegaaankaasi oo ka soo jeeda beesha kale, waxaana illaa hadda inta la xaqiijiyey ku geeriyooday illaa 8 ruux oo maleeshiyooyinka dagaalamaya kamid ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in iska hor imaadka uu ka dhashay ka dib markii labada beel ay isku qabteen dhinaca deegaanka iyo daaqa xoolohooda daaqsadaan.

Ma cadda in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ku jiraan dad rayid ah, sababo isgaarisiinta Tuulada Xaaji Cali oo xun aawadeed.

Dagaalkan ayaa la tilmaamay in uu ahaa kii ugu xumaa muddo bilooyin ah oo ka dhaco qeybo ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: