Bannaanbax lagu hor sameeyey Isbitaalka Cromwell ee magaalada London ee lagu daaweynayo Madaxweyne C/laahi Yuusuf.

dibadbax.jpg

Daawo Sawirada

 Halkaan ka akhri

Waxaa shalay oo isniin ahayd Soomaalida degan wadanka Ingariiska ay ka hor sameeyeen Mudaharaad balaaran Ispitaalka Cromwell ee uu ku jiro C/llaahi Yusuf kaasoo looga daaweynayo Beerka uusan lahayn isaga oo mudda 18 sano ah uu isticmaalayey .

Dadka Mudaharaadayey ayaa watay boorar si xamaasad ku jirto loogu soo qaray erayo ninkii akhriya si aad ah u qiiroonaya, Col. Cabdullaahi Yuusufna ku sii kordhinaya beer xanuunka uu hadda la buko.

Soomaalida Mudaharaadaysay ayaa ku dhawaaqaysey „asagoo ah 80 jir ah ayuu diidan yahay inuu dhinta uu is dabiibayaa halka uu xasuuqayaa dadka maatada ah Sida ,Caruurta yaryer Haweenka iyo Waayeelada la dàda ah ayey si xamaasad ku jirta ay ugu hadaaqayeen.

Bannanbaxayaasha ayaa ku baaqayey in dacwad ay ku soo oogi doonaan, maxkamadna lagu soo taagi doono, maadaama uu aabe u ahaa Siyaasadii lagu xasuuqay dadkii maatada ahaa ee aan waxba galabsan.

Soomaalida isugu timid mudaharaadkan ayaa waxay isugu jiray Rag iyo Haween ayaa tagnaa Albaabka hore ee Isbitaalka Cromwell ilaa xalay waqti dambe kuwaasoo ay ka muuqatay caro aad u xoog badan iyo diidmada ay didan yihiin in qof danbiila ah lagu daaweeyo wadan sheegta in uu u doodo xaquuqda insaanka.

SomaliSwiss Wakiilka London

somaliswiss@hotmail.com

dibadbax.jpgdibadbax1.jpg

%d bloggers like this: