Wadanka Soomaaliya oo si weyn looga xusay Maalinta Xaquuqda Aadanaha ee 10ka Decembar.

maalinta_xaquuqda_aadanaha.jpg

Maalinta Xuquuqda A.

 Halkaan ka akhri

 Muqdisho (SomaliSwiss) 10.12.2007

Munaasabado loogu xusayo maalinta Xaquuqda Aadanaha ayaa lagu kala qabtay magaalooyinka uga waaweyn ee gobollada dalka, waxaana lagu soo bandhigay hal ku dhigyo iyo muuqaalo ka tarjumaya Xaalada Xuquuqda Aadanaha ee Dalka Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa waxaa bar bar socday Siminaaro hal maalin ah oo wax lagu barayey xubno howl wadeeno ka ah Ururrda Bulshada oo la siinayo qodobo quseeya xaalada Xuquuda Aadanaha waxaana  ka mid ah:-

maalinta_xaquuqda_aadanaha_1.jpg

Xuquuda haweenka ee Diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliya

– Sida ugu haboon ee bulshada Soomaaliya looga dhaadhicin karo xuquuqda ay haweenku leeyihiin .

-Ogaanshaha falalka lidiga ku ah xuquuqda Aadanaha -Aqoonsiga xaquuqda ay leeyihiin dadka dagaalada ka barakaca.

maalinta_xaquuqda_aadanaha.jpg

-In dad la siiyo tababar ku saabsan xaquuqda aadanaha Siminaarkan oo laga dhigay Gobollada qaarkood ayaa waxaa ka faa’idaystay dad aad u badan oo danaynayey inay wax ka bartaan Cilmiga Xaquuqda Aadanaha iyo sharciyada Caalamiga ah; hase ahaatee, socodsiinta munaasabadaan ayaa waxaa gacan weyn ka geystay  Hay’adaha UNDP iyo UNHCR.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho 

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: