Sarkaal ka tirsan Ciidamada dembi baarista ee Dowladda KMG ah oo xalay lagu khaarjiyey weerar ka dhacay magaalada Baydhabo.

Baydhabo

Magaalada Baydhabo

 Halkaan ka akhri

Waxaa xalay magaalada Baydhabo lagu dilay Sarkaal ka tirsan waaxda dambi baarista ee Ciidamada dowladda KMG oo aagaas ku sugnaa marki ay dhacaysay Israsaaseyntaasi.

Sidaasi waxaa shaaca ka qaaday Xildhibaan Aadan Kiishbuur oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobalka Bay oo sheegay in xalay xilli uu ku socday waddada Suuqa Xoolaha ee Baydhabo uu la kulmay rasaas xoog badan xagga dambe ee gaarigii uu la socday, iyadoo ciidamadii illaalada u ahaana ay rasaas kale ku jawaabeen.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in markii ay dhacday is rasaaseyntaas oo muddo gaaban socotay kadib la ogaaday in rasaastii ay soo rideen kooxihii ka soo hor jeeday ay dishay Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda oo meesha ka agdhawaa, sidaasi waxaa yiri xildhibaan Aadan Kiishbuur.

Xildhibaanka ayaa sheegay in laf ahaantiisa uu ku jahwareeray in weererka isaga loo la dan lahaa iyo in sidoo kale lala rabay in la dilo sarkaalka.

Arrimahaasi ayuu sheegay inuu kala hadlay xildhibaanka ciidanka taliska nabad galyada Baydhabo oo haddana ay socdaan baaritaano la xiriira arrimahasi.

Baydhabo waxa waayahan dambe ka dhacayay weeraro lagaga soo hor jeedo dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada Gumeysiga Ethiopia.

SomaliSwiss Wakiilka Baydhabo

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: