Maryan Xuseen Awreeye:- Muqdisho waxaa kadhacay xadgudubyo baahsan, Dilal, Barakicin, Dhac Hantiyadeen, waxaana kadambeeya Dowladda KMG iyo Ciidamada Ethiopia…

Maryan Awreeye

Maryan Awreeye

 Halkaan ka akhri

 HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA MARYAN AWREEYE

Xarunta xuquuqda aadanaha ee Dr Ismaaciil Jimcaale oo ka mid ah hay’adaha xuquuqda aadanaha ee ka hawlgala Somalia ayaa sheegtay inay qeybaha ku dagaalamaya Somalia ay mas’uul ka yihiin xad-gudubyada loo geysanayo dadka rayidka ah.

Maryan Xuseen Maxamed (Awreeye) oo guddoomiye ka ah xaruuntaasi oo u waramaysay BBC munaasabadda maalinta xuquuqda aadanaha ee adduunka awgeed ayaa sheegtay in ay diiwaan geliyaan dhamaan xad gudubyada ka dhacaya magaalada Muqdisho, isla markaana aan la isaga hari doonin oo lala xisaabtami doonno qeybaha ku lugta leh.

Maryan Xuseen ayaa sheegtay in ay kadambeeyaan Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeen, dowladda KMG ah, & ciidamadda gumeysiga Ethiopia oo ay sheegtay in si toos ah u galeen xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyadoona sidoo kale sheegtay xittaa kooxaha kasoo horjeeda Dowladda KMG ah iyo gumeysiga Ethiopia laftooda ay lug kuleeyihiin, iyadoo sheegtay inay hayaan dhamaan diiwaanka dadka la dilay, kuwa la barakiciyey iyo hantida la boobay intaba.

Maalinta xuquuqda aadanaha ee adduunka oo maanta ku beegan waxaa laga xusay magaalada Muqdisho iyo ,eelo kale oo dalka ka mid ah, iyadoo Somalia ay ku jirto meelaha dunida ugu sarreeysa xad-gudubyada ka dhanka ah bani’aadamka, halkaasoo aan maamul dhexe oo shaqeeya lahayn muddo ka badan 16 sano.

Sourse BBCSomali

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: