Sh. Yusuf Indha-Cade
 Halkaan ka akhri
 HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA YUSUF INDHA-CADE
Yusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo ka mid ah, hoggaanka midowgii maxkamadaha ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay jawaab ka bixiyey, socdaalkii xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanku Condeleezza Rice ay dhawaan ku tagtay magaalada Addis Ababa.
Indha cadde oo sidoo kale ka tirsan saraakiisha Is-bahaysiga Dib-U-Xoraynta Somalia ayaa ka jawaabay baaqii Condeleezza Rice ee ahaa in ciidamo dheeraad ah oo nabad ilaalin ah loo diro Somalia, isagoo sheegay ciidamaddaasi in aanay uga duwaneyn kuwa hadda jooga Somalia, oo ay u aqoonsanayaan ciidamo gumeysi.
Yusuf Indha cadde oo sheegay inuu joogo meel ka mid ah gobolka Banaadir ayaa BBC u sheegay in ciidamo kasta oo ajnabi ah oo Somalia la keenayo inay noqdaan kuwo ay heshiis ku yihiin dhinacyada isku haya Somalia, isagoo ka codsaday dowladaha caalamka in aanay keenin Somalia ciidamo ay dhinac dalbadeen.
Indha cadde waxa uu sheegay in aanay jirin dowlad ay umadda Soomaaliyeed dhisatay, isla markaana aanay aqoonsaneyn, oo aysan wax wada hadal ah aanay la geleyn inta wadanka uu ku jiro gumeysi sida uu yiri.
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.