Jabhadda Islaamiga
Halkaan ka akhri
09/Dec/2007 – Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS) oo looga dhawaaqay Soomaaliya, waxayna soo bandhigtay Barnaamijyadeeda Siyaasadeed.
Waxaa gudoomiye u ah Jabhadda (JABISO) Guddomiyaha Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed (JABISO) Sheikh C/llaahi Axmed Cumar.
Hordhac kooban oo ku saabsan Taariikh nololeedka Gudoomiyaha Jabhadda.
Guddoomiyaha Jabhadda JABISO:- Sheikh C/llaahi Axmed Cumar wuxuu ku dhashay Gobolka Hiiraan Degmada Buq Aqable Sannadkii 1963, wuxuu ka baxay Dugsiga Sare sanadkii1988, wuxuu ka soo shaqeeyay:
B) Wasaaradii Gaashaandhigga Soomaaliyeed,
T) Shirkado ganacsi,
J) Ganacsi xor ah,
X) Wuxuu kale oo uu ka soo shaqeeyay Dacwada Islaamiga iyo Hay’ado Samafal oo Islaami ah.
Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii dhidibbada u aasay Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed ee (JABISO) oo uu hadda uu madaxda u yahay.
Jabhad la magacbaxday “Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya†ayaa Maanta (12/12/2007) Markii ugu horeysay waxa ay shaaca ka qaaday jiritaankeeda iyo waliba Barnaamijyadeeda Siyaasadeed, xili uu wadanka Soomaaliya gacanta u galay Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo Huwanteeda ku garabsiinaya qabsashada Wadanka Soomaaliya ee uu ugu horeeyo Maraykanka.
Bayaankii 1aad ee Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS)
Kadib markii ciidamada Ethiopia oo Maraykanku taageerayo ay qabsadeen qeybo kamid ah dalka Soomaaliya dhamaadkii Sannadka 2006 iyo horaantii Sannadkan 2007, ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu aasaasay Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliyeed (JABISO); si ay uga hortagto weerarkaas dulmiga ku dhisan.
Jabhaddu ilaa iyo xilligii la aasaasay waxay la gashay ciidamada gumeysiga Ethiopia dagaallo culus iyo iska hor imaadyo kulul oo cadawga aad u xanuujiyay isla markaana gaarsiiyay khasaare laxaad leh.
Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS) muddadii lasoo dhaafay waxaa kale oo ay fulisay hawlgalo gaar ah oo aad loo agaasimay, cadawgana waxyeelo weyn u gaystay.
Jabhaddu (JIS) iyadoo ka ambaqaadaysa istraatiijiyadeeda dagaalka waxay ka hawlgashaa gobolo badan oo dalka ka tirsan, waxayna si gaar ah xoogga u saartay caasimadda Muqdisho oo cadawgu ka dhigtay saldhigga ugu weyn.
Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS) iyadoo dareemaysa muhimadda warbaahintu u leedahay Muqaawamada iyo Halganka ay ku jirto, sidoo kalena u aragtaa inay warbaahintu tahay qayb muhiim ah oo dagaalka ka mid ah ayay waqtigaan goosatay inay daaha ka qaado jiritaankeeda si rasmi ah iyadoo kusoo beegtay xilligaan inay soo bandhigto Siyaasadeheeda iyo barnaamijkeeda shaqo; si ay u gudato waajibkeeda ka saaran difaaca Diinta, Dadka iyo Dalkaba.
Sababaha loo aasaasay Jabhadda
Dhismaha Jabhadda (JIS) waxay ahayd mid lagama maarmaan ah oo ka dhalatay duullaankii dulmiga ahaa ee Maraykanka iyo Ethiopia ku soo qaadeen dalka. Asbaabta si gaar ah loo xusi karana waxaa ka mid ah:
1. Khatarta ay leedahay in Soomaaliya gacanta u gasho Ethiopia oo muddo dheer ku taamaysay in ay Soomaalida shacab iyo dhulba qabsato, oo ah damaca guumeysi ee dhul balaadhsiga, si looga tirtiro ummadda Soomaaliyeed khariidada jiritaanka.
2. Waajibka diineed iyo dadnimo ee na saaran oo keenaya in aan ka dhiidhino xasuuqa iyo falalka fooshaxun ee dadkayaga ay kula dhaqmayaan gumaystayaasha iyo kalkaaliyayaashiisa.
3. In aan ka qeyb qaadanno toosinta Muqaawamada shacabkayagu kula jiro cadawga iyo sixitaanka aragtideeda ku aadan dhinacyada sharciga, istiraatiijiyada iyo Siyaasadeheeda marxaladdan ku haboon.
Ujeedooyinka loo aasaasay jabhadda:
1.. in laga xoreeyo dalka gumeysiga qabsaday ee Ethiopia iyo dabadhilifyadiisa, lagana tirtiro raadkiisa xun ee uu ku reebay.
3. In aan difaacno dadkayaga, diintooda iyo dalkoodaba
4. In la mideeyo dadaalka shacabkayagu ugu jiraan iska xoreynta gumaysiga Ethiopia iyo iska caabbinta xadgudub kasta oo dibadda uga yimaada.
5. In loo hawlgalo sidii nabadgalyo iyo deganaansho loogu soo celin lahaa shacabkayaga ay naafeeyeen dagaalada sokeeye iyo duulaamada shisheeye.
6. In la dhiso dawlad islaam ah oo u adeegta danaha shacabka, Soomaaliyeed, una ilaalisa diintiisa iyo madaxbanaanidiisa.
Aragtida Siyaasadeed ee Jabhadda (JIS) ee ku aadan, xaaladda dalku ku sugan yahay.
1. Qabsashada Ethiopia ay qabsatay dalka Soomaaliya waa dulmi iyo xadgudub, waana arrin aan la aqbali karin marnaba. In lala Jihaado gumaysigaasina waa xaq ay sugeyso shareecada Islaamku, caqli fayow, iyo dhamaan qawaaniinta dawliga ah.
2. Xornimada dalka Soomaaliyeed iyo midnimada dadkiisu, waa arrin lama taabtaan ah. In laga xoreeyo dabadhilifnimo iyo faragalin shisheeyana waxay u adeegaysaa madaxbanaanidiisa.
3. In la soo bandhigo Xasuuqa iyo Gumaadka cadawgu u gaysanayo Shacbigayaga, lalana xisabtamo cid kasta oo gacan ka geysatay.
4. Waxaanu qadarinaynaa, soona dhaweynaynaa cid kasta oo shacabkayaga ugu kaalmaynaysa in uu is difaaco, cadawgana iska celiyo.
5. Waxaanu difaacanaynaa diintayada iyo karaamada Shacbigayaga, hubkayaguna wuxuu ku jeedaa cadawga na qabsaday oo kaliya, mana cadaawaysanayno cid aan na colaadin, waxaana u hawlgalaynaa sidii aan saaxiibbo u kasban lahayn.
6. Waxaan dhawraynaa akhlaaqda Diinta Islaamka iyo dhaqankiisa sarreeya ee khuseeya dagaalka aan kula jirno cadawgayaga.
7. Soomaaliya waa qayb ka mid ah Muslimiinta gaar ahaan Carabta, waxaana ka soo horjeednaa isku day kasta oo gaar uga faquuqaya.
8. Dalku wuxuu ka dhexeeyaa Soomaali oo dhan, xilka difaaciddiisuna wuxuu saaran yahay qaybaha bulshada oo idil, qof kastana wuxuu ka qayb qaadanayaa kaalintiisa iyo awooddiisa.
9. Waxaan hawlgaladayada millatari la beegsanaynaa ciidamada gumaysiga Ethiopia; maxaa yeelay iyaga ayaa ah aasaaska mushikiladda taagan, haddii laga guulaystana, waxaa raacaya waxkasta oo la socday.
10. Waxaan soo dhaweynaynaa dadaalada nabad raadineed ee shacabkayaga u damaana qaadaya xaqa uu u leeyahay in uu qabsado Diintiisa, una madaxbanaanado dhulkiisa iyada oo aan lagu xirin wax shardi ah.
11. Waxaan u aragnaa kooxaha kale ee muqaawamada walaalahayo aan ku wada jirno la dagaalanka gumaysiga, waxaana isu kaashanaynaa sidii aan dalka uga saari lahayn, waxaana ka dheeraanaynaa wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo khilaaf, waxaana aaminsanahay in goobtu na wada qaado, ayna noo wada baahan tahay.
12. Waxaan ku difaacaynaa Xuquuqda Shacabkayaga dhammaantii waddo kasta oo suuragal ah, sharcigana waafaqsan, waxaana ku dadaalaynaa in aan dhawrno oo ilaalino dhiigga Ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah iyo danohooda.
13. Waxaan ka ilaalineynaa hantida Shacabka Soomaaliyeed midda berriga iyo tan badahaba boobka iyo xadgudubka, waxaana diidannahay dhamaan heshiisyada cadowgu hoosaasinayo si uu u xalaaleysto hantida Umadda Soomaaliyeed Iyo heshiiskasta oo la galay, intii uu wadanku gumaysiga, gacanta u galay.
14. kooxaha mujaahidiinta, oo ay weheliyaan, hay,adaha, iyo shakhsiyaadka kazoo horjeeda, fara galinta shisheeye, iyo gumaysiga Ethiopia, iyo mashaariicdiisa, ayaa ah kuwa kaliya, ee si sharci ah u matala, Soomaaliya, iyagaana ah hogaanka u munaasibka ah shacabka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo, yididiilooyinka, shacbiga Soomaaliyeed higsanayo.
15. Waxaan kasoo horjeednaa, dhamaanba, go’aanada iyo xukunada foosha xun, ee lagula kacayo bulshada Soomaaliyeed, waana in lasii daayaa dhamaanba dadka dulmiga lagu haysto, ee jeelasha lagu buuxiyay.
16. waa in guryahoodii lagusoo celiyaa dhamaanba dadkii la bara kiciyay, lana damaanad qaado nabadgalyadooda.
Baaq
Gabagabadii, Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS) waxay baaq usoo jeedinaysaa; Shacabka Soomaaliyeed, kooxaha Muqaawamada, dawladaha Caalamka gaar ahaan kuwa Afrika iyo dadyowga aduunka ee cadaaladda jecel:
1. Waxaan ugu baaqaynaa kooxaha muqaawamada in ay si dhab ah u midoobaan, ayna ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kala tagis, ayna ka digtoonaadaan dhagarta cadawga doonaya in uu shacabkeenna iska horkeeno; si muddada gumaysigu u sii dheeraato.
2. Waxaan ugu baaqaynaa shacabkayaga gumaysigii Yurub kaga xoroobay dhiiggiisa in uu naf iyo maal huro, una istaago sidii uu u gali lahaa muqaawamo waqti dheer socota ilaa gumaysiga ay iska dul qaadaan.
3. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee la soo saftay cadawga ummadda in ay Rabbigood u toobadkeenaan, ayna ka haraan dhaqankaan xun, waxaana u caddaynaynaa in cadawgu adeegsanayo si uu ugu gaaro danihiisa gaarka ah.
4. Waxaan ugu baaqaynaa walaalahaya muslimiinta ah shucuub iyo xukuumadaba gaar ahaan culimada iyo ducaadda in ay walaalohood Soomaaliyeed la garab istaagaan hiil nooc walba leh iyo taageero kaleba.
5. Waxaan ugu baaqaynaa dawladaha Afrika in aysan maqaarsaar u noqon gumaysiga Itoobiya, ayna ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, isla markaana aysan ciidamo kale u soo dirin; maxaa yeelay arrintaasi waxay sii xoojinaysaa gumaysigii, dhibaatadii shacabka haysatayna way sii kordhinaysaa.
6. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shucuubta islaamka iyo dadka jecel xorriyadda iyo caddaaladda, kana soo horjeeda dulmiga iyo xadgudubka in ay shacabka Soomaaliyeed ku taageeraan qaddiyaddiisa xaqa ah.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Guud
Muqdisho – Soomaaliya
29/11/1428H – 09/12/2007M
Â
Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.