Dr. Cabdulahi Axmed Caddow:- Ethiopia ma baxayso, illaa Dowlada, iyo Ururrada mucaaradka ay heshiiyaan, lana keeno ciidamo Afrikaan ah.

C/llaahi Ah. Adow

C/llaahi Ah. Adow

 Halkaan ka akhri

Siyaasiga Cabdulahi Axmed Cadow oo wareysi siiyey Idaacadda VOA, ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray Dowladda KMG iyo Ururrada mucaaradka ah ay wadahadal isugu yimaadaan, kahor inta aaney ciidamada Ethiopia ka bixin Soomaaliya, isagoo taas ku micneeyey in joogitaanka ciidamada Ethiopia ay taageero ka heystaan beesha caalamka.

Dr. Caddow ayaa su’aal la weydiiyey oo ku saabsaneyd sababta uu isagu uga qeyb qaadan waayey xal u raadinta dhibaatada Soomaaliya, maadaama uu yahay Siyaasi Soomaaliyeed kana soo jeeda goobta dhibaatada ba´an ka taagan tahay oo ah Muqdisho, ayaa wuxuu isku difaacay in xilku uu saran yahay Dowladda KMG ah iyo Ururrada mucaaradka ah ee ka soo horjeeda, oo isaga uu dibadda ka joogo.

Dr. Cabdulahi Axmed Caddow ayaa soo hadal qaaday tacaddiyada ka dhacay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xasuuqa iyo barakicinta xad-dhaaftay ee ka dhacday Soomaaliya ay tahay mid caalamka oo dhan laga wada ogyahay, haatana uusan cid gaar ah ku eedeyneyn, balse ciddi eeddeeda leh ay soo bixi doonto marka lagaaro xilligeeda.

Dr. Caddow oo laba jeer oo hore u tartamay jagada madaxtinimada ee Soomaaliya, oo kala ahaa Jabuuti iyo Mbagathi, ayaa labadii jeerba looga itaal roonaaday amaba looga guuleystay, wuxuuna wareysigaan ku sheegay in haddii uu tartankii ugu dambeeyey uu ku guuleysan lahaa, aaney Soomaliya ka dhacdeen hal xabbad, dalkana uu noqon lahaa barwaaqo sooran.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: