Ciidamo aad u hubeysan oo la wareegay inta badan xaafadaha Muqdisho, kadib dagaalo xoogan oo ay ku geeriyoodeen illaa 7 qof.

ciidamada-isbahaysiga.jpg

War Deg Deg ah

 Halkaan ka akhri

Ciidamo aad u hubeysan oo la wareegay inta badan xaafadaha Muqdisho, kadib dagaalo xoogan oo ay ku geeriyoodeen illaa 7 qof.

Waxaa caawa laga faafiyey TV-ga Al Jazeera oo ka mid ah Telefishinnada ugu caansan Caalamka in Ciidamo aad u hubaysan ay la wareegeen goobihii ay ka baxeen shalay ciidamada gumeysiga Ethiopia, kadib dagaal xoogan oo maanta illaa galabta socday.

Ciidamadan aad u hubysan ayaa waxay la wareegeen wadada dheer ee 30ka, Suuqa Bakaaraha ilaa jidka dheer ee aada suuqa xoolaha waxayna wararku sheegayaan in Ciidamaad qabsaday ay yihiin ciidamadii sida aadka ah uga soo horjeeday Joogitaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah.

Dagaalkan ayaa waxaa ku geeriyooday 7 qof dhaawac fara badanna geystan, kadibna dhulkii lagu dagaamay gacanta u gashay Ciidamadii la dagaalamayay kuwa Dowladda iyo kuwa gumeysiga Ethiopia.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan hubaysan ay ku sii fidayaan qaybo ka mid ah Cali kamiin , jidka wadnaha iyo goobo kale oo badan oo katirsan Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA AKHRI QORAALKA ALJAZEERA

Xafiiska SomaliSwiss

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: