Sheikh Shariif: “Xukuumad sharci ah kama jirto dalka Soomaaliya, inta ay joogaan Ciidamo Ethiopian ah”

Sheekh Shariif

Sheikh Shariif

 Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta dalka Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay marti ku ahaa Barnaamijka ‘Kulanka Maanta”ee ka baxa TV-ga Al Jazeera ayaa ka hadlay arrimo badan oo kamid ah siyaasadda iyo xaalada Somaliya.  

Sheekh Shariif waxaa uu diiday wax Xukuumad sharci ah oo ka jirta dalka Somaliya isagona sheegay in kuwa sheegtay Xukuumadda kmg ay yihin gumeysi kalkaal isla markaana dalka Itoobiya ay maamusho. 

Gudoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta Somaliya oo la weydiyay cadeymaha arrinkaasi ayaa tilmaamay in markii horeba Xukuumadda C/laahi Yuusuf aysan aheyn mid shacbigu ay soo doorteen balse ay aheyd mid Itoobiya wadatay. 

Waxaa uu intaasi ku daray in aysan hakan doonin howlaha hubeysan ee ka dhanka ah Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Somaliya intaba shacbiga Somaliyeed ay awood u leeyihin isdifaacidda. 

Waxaa wax laga xumaado uu ku tilmaamay Sheekh Shariif dowrka wadamada Carabta qaarkood oo uu sheegay wali in ay rumeysan yihiin dalka Somaliya in uusan ku jirin gacan gumeysi isla markaana ay Xukuumad ka jirto.

SomaliSwiss Wakiilka Asmara. 

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: