Dawladda Nigeriya oo gacan ka heshay dowladda Mareykanka sidii ay ciidamo nabad-ilaalin ah ugu soo diri lahayd dalka Soomaaliya.

ciidamada-nijeriya.jpg

Ciidamada Nigeriya

 Halkaan ka akhri

 Dowladda Maraykanka, ayaa la sheegay inay ku dhiiri gelinayso dalka Nigeria sidii ay Ciiddamadda dalka Nigeria hormuud ugu noqon lahayd hawlaha ay  Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka ah ka wadaan dalka Soomaaliya iyo Gobalka Daarfuur ee galbeedka dalka Sudan.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegaya in Labada Hoggaamiye ayaa lagu wadaa inay  Khamiista ee soo socda ay kulan ku yeelan doonaan Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, sida ay shaaciyeen warbaanhinta dalka Maraykanka ah.

Madaxweyne Bush ayaa la sheegay inuu ku boorin doono Madaxweynaha dalka Nigeria sidii uu Ciiddamo Nabad-ilaalin ah ugu soo diri lahaa dalka Soomaaliya, si ay u buuxiyaan baahidda Ciiddamadda Nabad-ilaalinta ee ka jirta dalkaasi, iyadoo ay dhowr Dowladood oo Afrikaan ah ay horey ugu yabooheen inay Ciiddamo u soo diri doonaan dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Maraykanka, George Bush, ayaa lagu wadaa inuu bisha soo socoto socdaal ku tago dhowr dal oo ku yaalla Qaaradda Afrika, waana socdaalkii ugu horreeyey  ee uu Qaaradda Afrika ku tago.

Inkastoo booqasha Madaxweyne Bush aan la shaacin inuu booqasho ku tagi doono afrika, ayaa waxaa haddana aad loo hadal-hayaa inuu socdaal ku tegi doono dalal ay ka mid yihiin Koonfurta Afrika iyo Nigeria, oo iyagu ka mid ah Dalalka ugu dhaqaalaha iyo Milliteriga wanaagsan ee Qaaradda Afrika. 

SomaliSwiss New York 

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: